|

Abwaan Cabdilaahi Diiriye Sooraan Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

Hargeysa:Jully,22,2015(SDN/QJ)-Eebbe ha u naxariistee waxa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Awbaankii weynaa ee Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo muddo cisbitaal ugu jirey xanuun xagga Madaxa Kaga soo booday.

soroMarxuum Sooraan oo muddooyinkii ugu dambeeyey ka leexday dhinaca Fanka, una baydhay Dhinaca Horumarinta Diinta, ayaa xanuunkiisu ahaa dhiig la sheegay inuu dhinaca Madaxa kaga furmay.

Muddo bil iyo dheeraad ah ayuu marxuumku koomo ku jirey, waxana aakhirkii uu geeriyooday Habeenkii xalay.

Cabdilaahi Diiriye Sooraan waxa uu kamid yahay Fannaaniinta ugu magaca dheer soomaalida, waxana uu muddo dheer ahaa xiddig ka dhex ifaya Fanka Soomaaliyeed, isagoo intii dambe ahaa Mu’addinka Masaajidka Nakhiil ee ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Sooraan ayaa ahaa Awbaan, Fannaan iyo Mullaxanayste Caan ah, waxana uu ku luuqeeyaa Heesaha ugu caansan kuwa soomaalida oo ilaa iyo haatan si weyn loo dhegaysto.

Bahda Qurbejoog.com, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysa Ehelka iyo qaraabada uu ka baxay eebbe ha u naxariistee Abwaan Cabdilaahi Diiriye Sooraan, waxana ay marxuumka u ranaynayaan inuu jannooyinkiisa ku macsuumo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed