|

Abiy Axmed oo ka hadlay midnimada Soomaaliya

Addis Ababa July 04, 2024(QJ) Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si aan gabasho lahayn maanta u sheegay in dowladdiisa aysan su’aal ka gelin midnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Abiy oo khudbad ka jeediyay Baarlamaanka Itoobiya ayaa caddeeyay in Itoobiya aysan daneyneynin kala go’a Soomaaliya, isla markaana aysan marnaba shaki gelin doonin midnimadeeda.

Abiy Axmed ayaa ku macneeyay heshiiska dhinaca badda ee ay la galeen Somaliland in uu yahay codsi ku saabsan in si sharci ah loo maro marin badeed.

“Waxaan codsanay inay badda galaan dhammaan dalalka deriska ah, balse wax jawaab ah kama helin, waanu ka codsannay, waana weydiinnay, taasi macnaheedu maaha inaan su’aal gelineyno midnimada Soomaaliya” ayuu yiri Abiy Axmed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa mar kale ku celiyay go’aanka dalkiisa ee ku aaddan xaqiijinta helitaanka deked, wuxuuna tilmaamay inay sahaminayaan dhammaan waddooyinka suurtagalka ah ee lagu gaari karo hadafkan.

Comments are closed