Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somalia oo tagay deegaanka Caabudwaaq
Caabud waaq 31.Aug 2013 (SDN)- Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo ay la socday guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa maanta gaaray degmada Caabduwaaq ee gobolkaas.
Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa abaanduulaha ku wareejiyay ciidamada iyo qalabka ciidan ee degmada ay gacanta ku haysay.
Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo munaasabadda soo dhoweynta ka hadlay ayaa sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay heshiiska ay horey u gaareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe.
Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa isna sheegay in amniga gobolka uu wanaagsan yahay, wuxuuna hay’adaha caalamiga iyo kuwa waddaniga ah ugu baaqay inay gacan ka geystaan baahida adeegyada bulshada ee degmooyinka iyo deegaannada gobolka Galgaduud.
Dhinaca kale, golaha marjaca ee Ahlu Sunna ayaa maanta soo dhoweeyay ciidamadda Ahlu Sunna Waljamaac ee ku biiray ciidamadda dowlada federaalka Soomaaliya.
Caabud Waaq SDN.