Abaabulka Mudaharaaddo Ballaadhan Oo Lagu Taageerayo Suldaan Wabar Oo Borama Ka Socda iyo Ciidamada Ammaanka Oo Heegan La Geliyey
Borama:Dec,14,2014(SDN/QJ)-Dhallinyarada iyo Xubno kamid ah Cuqaasha Gobolka Awdal, gaar ahaan kuwa ku Nool Magaalada Borama ayaa ku Hawllan Qorshe ay ku dhigayaan Mudaharaad Ballaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Ciidamo Tiro Badan oo Xukuumaddu Halkaas Geysay.
Sida uu sheegayo wariyaha Qurbejoog.com uga soo warrama Gobolkaas, waxa Habeenkii xalay Magaalada Laga Dareemayey Dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ay dhallinyaradu ku abaabulayaan inay shacabku isku soo Baxaan, iyadoo la sheegayo inay jiraan Goobo si qarsoodi ah loogu samaynayo Boodhadh la doonayo in lagu muujiyo dareenka Dadka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Shacabka iyo Masuuliyiinta Xukuumadda Gobolkaas u qaabilsan oo uu ugu horreeyo Badhashasaabka oo isaga qudhiisu shalay hadlay ay si weyn uga soo horjeedaan Ciidamada Tirada Badan ee Xukuumadda Halkaas ku daad guraysay.
Dhaqdhaqaaqyadan oo cuqaasha iyo salaadiinta qaarkood taageerayaan ayaa sidoo kale u muuqda qaar lagu taageerayo suldaanka Fallaagoobay oo isaga dartii xukuumaddu tallaabadan u qaadday, waxana heegan sare ku jira Ciidamo tiro badan oo Boolis iyo Militeri iskugu jira oo Halkaas ku sugan.
Xukuumadda ayaa la sheegayaa inay hore u diiday Soo jeedimo cuqaasha iyo salaadiinta ka yimi oo sheegayey in ciidamada halkaas la geeyey dib looga qaado, waxana ay ku andacootay in ciidamadu yihiin qaar waajibkooda Gudanaya.
Isku dayo tiro badan oo lagu doonayey in Suldaanka Fallaagoobay ee Buuraha galay lagu ladqabeeyo, ayaa dhammaantood Guuldarraystay, waxase haatan soo kordhay dareen Guud oo shacabka ku yimi, taas oo la hubo inay ka dhalatay hannaanka qaldan ee Awoodda u muuqda ee Xukuumaddu u waajahday arrintan.
Muddo toddobaad ah ayaanay wali xukuumaddu wax tallaabo ah qaadin inkastoo ay ciidamo xoog badan Halkaas geysay, waxase warwarku yahay in Haddii aan ciidankan loo dirin wixii meesha loo keenay ay keento inay shacabka isku dhacaan, maadaama aanay dadku raalli ka ahayn in Ciidamo militeri oo cusub deeganadaas la geeyo.
Shalay ayey ahayd markii uu mudaharaad aan sidaas u xoogganayni ka dhacay magaalada Borama, iyadoo ciidamadii halkaas joogayna aanay qaadin wax tallaabo ah oo dadkaas ka dhan ah.
Waan waan iyo isku dayo badan oo lagu doonayey in suldaanka lagu soo xero geliyo ayaan u muuqan qaar natijo keeni karo, waxase xukuumadda looga fadhiyaa Tallaabadii ay Arrintan ku furdaamin lahayd xilli lagu jiro wakhti xaasaasi ah marka loo eego Doorashooyinka Dalka kusoo foolka leh.
SDN/QJ