|

Aaskii Qaran ee Lagu Sagootiyey Ruug Cadaagii Saxaafadda Marxuun Axmed Xasan Cawke DAAWO

Hargeysa 17 Nov 2015 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya,Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Iyo Madax ka Socotay Golayaasha qaranka, Qaybaha Warbaahinta Somaliland ayaa Maanta ka qayb galay Aas qaran oo Loogu sameeyay Magaalada Tog Wajaale Suxufigii Ruug Cadaaga ahaa ee Axmed Xasan Cawke oo ku Geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Dalka Itoobiya.

Aaska alle ha u naxariistee Weriye Axmed  Xasan Cawke ayaa Kulmiyey Dad Tiro badan oo ka mid ah Hal doorka Bulshada Somaliland iyo qaybaha Warbaahinta Somaliland iyo Kuwa Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Waxaa kale oo Goobtaasi ka hadlay Xubno ka Mid ah Shakhsiyaadkii ay Mudada dheer soo wada shaqeeyeen Marxuunka Kuwaas oo ay ka Mid ahaayeen Warfidiyeeno aad looga yaqaan Geyiga Somalidu degto Sida Idiris Cigaal Nuur,Yoonis Cali Nuur,Siciid Cali Muuse, Iyo Cabdisalaan Ibraahin Hereri Waxayna dhamaantoodba iska daba mareen Astaamaha Baadi soocda u ahaa ee lagu yaqaanay Marxuunka,Waxayna ku Sifeeyeen Weriye Codkar ah hibo fiicana u lahaa hanaanka War tebinta ,Sidoo kale Waxaa aas qarameedkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Suxufiyiinta Jiilka Maanta.

Comments are closed