|

Aas Qaran oo Lagu Wadacay Maareeyihii Wargayska Ogaal C.weli F.Jaanbiir {DHAGAYSO BARNAAMIJ GAAR HA}

IMG_3871-1024x768Hargaysa 07.Aug 2014 (SDN/QJ)- Alle ha u naxariistee maareeyihii wargeysaka madaxa-bannaan ee Ogaal Cabdiweli Faarax Jaanbiir ayaa maanta gelinkii hore si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha naasa hablood ee bariga Hargeysa.

Marxuum Cabdiweli oo shalay galab ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu muddooyinkii u danbeeyey ku xanuusanayay, ayaa aaskiisa waxa ka qayb-galay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, masuuliyiin sar sare oo xukuumadda ka tirsan, suxufiyiin tiro badan, culimo aw diin, abwaanno iyo dad kale oo tiro badan.

IMG_3908-1024x768Masuuliyiintii kala duwanayd ee ka soo qayb-gashay aaska marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir, ayaa tacdi u diray guud haan ehelkii iyo bahda warbaahinta Somaliland ee uu ka baxay Cabdiweli, isla markaana waxay ay ilaahay uga baryeen inuu denbigiisa dhaafo, jannada fardawzana inuu ka waraabiyo.

IMG_3868-1024x768 Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Cabdiweli wuxuu ka mid ahaa odoyaasha saxaafadda Somaliland. Waxa lagu xasuusa doonaa inuu ahaa nin furfuran, kaftanyahan ah, isla markaana dadka wax bari jiray. wuxuu ahaa dadka ilaahay hibada u siiyey tarjumaadda buugaagta iyo qoraalada afka ingiriisiga ku qoran.

 

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO BARNAAMIJKAN BAROOR DIIQDA AH
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/AasCabdiWeli07.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed