|

Aas Qaran oo Burco loogu Sameeyay Alle ha u Naxariistee Agaasimihii Cisbitaalka Burco Marxuun Dr Muruq Liqe,Taariikhda Noloshiisa DAAWO

Burco 24.Sep 2014 (SDN/QJ)- Waxaa Maanta Magaalada Burco aas qaran loogu sameeyay Alle ha u Naxariistee Agaasimihii Cisbitaalka Burco Marxuun Dr Cabdi Qaadir Xaaji Muuse Muruq liqe.

Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda ayaa aaska qaran ka qayb galay .

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Bah’da Caafimaadka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe) oo ku geeriyooday Xalay Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco,Iyadoo uu Marxuunku ahaa Agaasimihii Cisbitaalka Burco.

Marxuumka oo ka mid ahaa Dhakhaatiirta waa weyn ee dalka kana mid ahaa dadkii fara-ku-tiriska ahaa ee ka qaybqaatay dib u dhiska dalka, wakhtigooda ugu badana geliyey sidii bulshadeenu u heli lahayd caafimad taam ah, sidoo kalena ahaa aqoon yahan iyo waxgarad door muhiima ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalkaba.

Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay tiir ka baxay guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Bahda caafimaadka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Photo File

Photo File

Alle ha u naxariiste, Marxuum Cabdiqaadir Muruqliqe waxa uu ku dhashay degmadda Durukhsi ee Gobolka Togdheer sanadkii 1954. Waxbarashadiisii hoose wuxuu ku qaatay magaalada Burco, dugsigii sarena wuxuu ku qaatay Sheekh, kadib 1975 ayuu galay Kuliyaddii caafimaadka ee jaamacadii umadda soomaaliyeed ee Muqdisho, taasoo uu ka qalin jabiyay 1980.

Wuxuu ka mid ahaa halgamayaashii qaybta wayn ka qaatay halgankii hubaysnaa ee SNM ee talada lagaga tuuray nidaamkii milateriga ee Siyaad Barre, isla markaana wuxuu ahaa dhakhtarkii u horeeyay ee ku biira xarakadaa hubaysnayd. Ku dhawaaqidii gooni isu taaga laga soo bilaabo ilaa hadana wuxuu marxuumku qayb laxaad leh ka soo qaatay dhismaha qaranka, gaar ahaan dhinaca mihnadda caafimaadka. Dadka aadka u yaqaanay waxay ku tilmaameen marxuumka, inuu ahaa qof dad la dhaqan iyo debci wanaagsan leh, noloshiisana ku dhamaystay u samafalka umadda.

ILAAHAY ha u naxariistee marxuumku wuxuu leeyahay taariikh balaadhan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Wuxuu ka soo jeeday qoys caan ah aabihii Xaaji Muuse Muruqliqena wuxuu ka mid ahaa maayaradii soo xukumay magaalada Burco xiligii dawladihii rayidka ahaa ee soomaaliya. Waxa uu marxuumku ifka kaga tegay, laba xaas iyo sadex caruur ah.

Burco SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed