|

“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacayay No. 50 labadii maalmood ee u dambeysay” Ra’isal Wasaare Saacid

Muqdisho 18.Nov 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed oo ka wada tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ra'isal wasaaraha Somalia Saacid 2War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa nasiib darrro lagu tilmaamay dagaalka dagaalka oo la sheegay inuu galaaftay nolosha dad ka badan toban qof.

“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacayay No. 50 labadii maalmood ee u dambeysay, waana dagaal ay waxyeello ka soo gaartay dad shacab ah madaama dushooda lagu dagaallamay,” ayuu yiri raysul wasaare Shirdoon.

Wuxuu ku baaqay in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka, isagoo dhinaca kalena tacsi u diray qoysaska ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka oo galay maalintii labaad.

Xukuumadda raysul wasaare Shirdoon ayaa ka digtay in sii socoshada dagaalka uu wiiqi karo awoodda dowladda iyo dadaalkii lagu xorraynayay deegaannada ay wali haysato kooxda Al-Shabaab.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed