”Aabahey Wuu Ila Soo Hadlay Isagoo Ku Jira Gacanta Dowladda Xaaladiisana Ma Fiicnayen” Gabadh uu Dhalay Qalbi Dhagax DAAWO
Kismaayo 05. September 2017 (SDN/QJ):- Gabar uu dhalay C/Kariim Qalbi-dhagax ayaa kasoo muuqatay baraha bulshadda iyadoo xog dheer ka bixisay qaabkii ay dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay aabaheed.
Wariye Cabdi Caziiz Afrika oo wareystay gabadhan ayaa waxaa ay sheegtay in aabaheed laga soo qabtay Gaalkacyo, mudo dheerna uu Soomaaliya ku sugnaa, laakiin loo gacan geliyay Itoobiya.
”Aabahey wuu ila soo hadlay isagoo ku jira gacanta dowladda xaaladiisana ma fiicnayen”ayay sheegtay gabadhan.
“Aabo waxaa loo qaaday Baydhabo, kadibna halkaas ayaa diyaarad laga saaray oo Itoobiya ayaa la geeyay”ayay tiri gabadhan oo ka naxsan xaalada aabaheed.
Dowladda Soomaaliya ayay sheegtay iney ka dooneyso iney cadeyn ukeento xaalka aabaheed maadaama aysan waxba haatan ka ogeyn halka uu ku sugan yahay.