|

Kulan ku Saabsan Horumarinta Xisaabaadka iyo Ilaalinta Kharashaadka oo Hargaysa uga Furmay Xubno Maayaro ah

Hargaysa 25.July (SDN) Kulan ay ka soo qayb galeen Maayarada  Degmooyinka Hargeysa, Gabilay, Booramme, Berbera iyo Burco,Kuna saabsan  Qaabka horuumarinta xisaabaadka iyo ilaalinta kharashaadka  ayaa maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa,

Maayirka  Degmada Boorame Mud,Saleebaan xasan Xaddi  oo Shabakada Qurbejoog.com uga waramay kulankaas,  ayaa  sheegay in kulankan  isugu yimaadeen maayirada  shan degmo oo ka mid ah degmooyinka  heerka kowaad ee dalka ,  waxaanuu sheegay in  ay  soo qaban qaabisay hay’adda I.L.O, kaas oo ku  saabsan  sidii layskula falanqayn lahaa  qaabka loo hor marin karo qaab-xisaabeedka dawladaha  Hoose iyo  tashiilidda iyo ilaalinta kharashaadka.

Mudane saleebaan waxa uu intaa raaciyey in  mashruucani uu yahay mid lagu tijaabiyey Caasimadda Hargaysa, iyada oo markii   horena qorshahan horumarinta xisaabaadka uu qayb ka ahaa mashaariicda  mashruuca GPLG-ga ee Dawladaha Hoose . waxaanuu xusay in mashruucaasi uu yahay mid la doonayo in  lagu  hormariyo qaabka laysugu dheeli tirayo kharashka iyo dakhliga

Maayarka degmada Boorame md. Saleebaan Xasan Xadi  waxa uu tilmaamay in shaqaalahooda xisaabaadka ay  shirkan ka qayb qaadanayeen  muddo  laba maalmood ah,Waxaanuu intaa ku daray haddii uu barnaamijkani guulaysto in  lagaadhsiin doono  dhammaan Gobolada dalka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed