|

Urur Siyaasadeedkii Jamhuuriga oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye,Khudbadihii laga Jeediyay {DHAGAYSO}

Hargaysa 25.July (SDN) Ururkii Jamhuuriga oo ka mid ahaa Ururadii  ku hadhay doorashadii Golayaasha degaanka ee dalka ka qabsoontay dabayaaqadii  sanadkii hore  ayaa  Maanta si rasmiya ugu Biiray Xisbiga  Talada haya ee Kulmiye.

Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo  loogu qabtay   Kusoo biirista ururkaas hore   huteel Mansoor ee magaalada Hargeysa,ayaa  waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mud, Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda kale ee xisbiga, Gudoomiyihii Ururkii Jamhuuriga md. Cismaan Xasan Mire, maayirada degmooyinka Burco,Boorame,Berbera,Gabilay  iyo Hargeysa,Salaadiin,  iyo Marti sharaf kale.

GUDOOMIYIHII URUR Siyaasadeedkii  Jamhuuriga Cismaan Xasan Mire, oo halkaasi ka hadlay ayaa  sheegay in ay maanta si rasmiya ugu biireen xisbiga kulmiye,waxaanuu xusay in ku biiritaankooda ay maanta ku soo biireen xisbiga kulmiye uu ka dhashay wada hadal mudo u socday labada dhinac, Maantana  taageeradooda ay ku soo biiriyeen xisbiga kulmiye.

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Mud, Muuse Biixi Cabdi, oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa  sheegay inay si kal iyo laab ah ay  u soo dhoweynayaan   Madaxda iyo Taageerayaasha Ururkii Jamhuuriga eeku  soo biiray xisbiga kulmiye kuwaas oo uu tilmaamay in ay cududooda kusoo biiriyeen xisbiga.

Dhinaca kale Gudoomiye muuse biixi waxa  uu sheegayin ay soo dhoweynayaan  isu soo dhawaanshaha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Wadani,isaga oo   sheegay inay meesha ka saartay khilaafaadkii hore uga dhex jiray.taasoo tilmaan u ah ayuu  yidhi   in Somaliland ku soo  caanamaasha kuna dhisan tahay wada tashi iyo  isu tanaasul.

Gudoomiyaha oo ka hadlayey Golaha ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, Waxa uu sheegay in Xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaanba  ay isla  garteen in dul-qaad loo muujiyo, iyada oo  xubnaha siyaasiyiintaasi yihiin kuwo  magac weyn ku leh dalka.

Waxa kale oo Mud, Muuse sheegay in loo baahan yahay In siyaasad misdaysan iyo feejignaan  laga  yeesho   wada hadalada somaaliya inoo dhexeeya .

Geesta kalana gudoomiyaha xisbiga kulmiye  waxa uu   soo jeediyaya in la iska kaashado sidii  dhalinta  looga  joojin lahaa tahriibka,looguna tacab geli lahaa shaqa abuurid  loo sameeyo.

Waxa kale oo  iyana halkaa ka hadlay Gudomiyaha Golaha dhexe ee  xisbiga Kulmiye Jaamac ismaaciil cige iyo Xubno   ka tirsan Golaha fulinta Kulmiye iyo urur siyaasadeedkii Jamhuuriga.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Jamhuurigaiyo(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed