|

Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka oo soo dhaweeyay Midowgii labada Xisbi Mucaarid

Hargaysa 25.July (SDN) Hadii aanu nahey Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Waxaanu si diirana u soo dhaweyneynaa Heshiiska labada xisbi mucaarad Shaley Ku Gaadheen magaalada Hargeysa gaar ahaan Hotel Ambassador.

Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan yahay Gudoomiyaha Golaha Wadatshiga iyo Toosinta Qarankan Muj: Xasan Guure Jaamac ayaa lagu Sheegay in Golahoodu uu soo dhawaynayo  Baaqii iyo Talooyinkii ay jeediyeen ee aheyd in sida ugu dhakhsaha badan laysugu yimaado TALO LOO DHAN YAHEY

Waxaanaanu Qabnaa iney Tahey Wadada aynu ku xalin karno dhibaatooyinka ina horyaala,Somalilandna ay ku Caana maalikarto

Ugu Danbeyntii Waxaanu labada Xisbi Mucaarad ku dhiiri galineynaa iney la yimaadaan Qorshe Cad oo Siyaasadeed Oo Wadankan waxa inaga khaldan aynu ku sixi karno  Si aynu cagta u saarno Dariiqa Toosan oo ummadan Gaadhsiiya  Ictiraaf,Horumar iyo Badhaadhe

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed