|

Xukuumadda Somaliland oo wali ku mashquulsan Abaabulka Odayaal u jawaaba Golaha wadatashiga iyo isku daygii Salaadiinta is xilqaamay oo Hal bacaad lagu lisay u muuqda

 

xirsi iyo  siilaanyoHargeysa: 25-july-2013 (SDN)Inkastoo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo wax ku ool ah oo ay waddaan salaadiin iyo wax garad reer Somaliland ahi, Haddana waxa ay wali xukuumadda Somaliland ku mashquulsan tahay sidii ay abuuri lahayd Odayaal beelaysan oo jawaabo dhinaca xukuumadda u xaglinaya.

Maanta oo ugu dambaysay waxa ay xukuumadda soo Abaabushay Odayaal la sheegay inay ka soo jeedaan Deegaanka Gobolka saaxil oo ay xukuumaddu tuhun weyn ka qabto in si aad ah looga taageersan yahay Golahan Cusub.

 

Warar kale ayaa iyaguna sheegaya inay xukuumaddu wali dhiraandhirinaysa Odayaal dhaqameed kale oo ka soo jeeda Deegaanka Balli-gubadle oo iyaguna markooda gala darka lagu cambaarayanayo Golaha, lamase garanayo inay xukuumaddu isku daygeedaa ku guulaysan doonto.

Tallaabooyinkana ayaa  loo arkaa qaar sii kala fogaynaya xukuumadda iyo Golaha wadatashiga, waxana ay ragaadka ku sii eryayaan isku dayga midhaha laga sugayo ee ay wadaan Salaadiinta is xilqaantay  ee waanwaanta ku maqani.

 

Sidoo waxa Hubaal ah in raadinta ay xukuumaddu  ku raadinayso cid dhinaceeda ah oo  Golaha cambaaraysaa ay abuuri karto khilaaf hor leh oo labada dhinac ka kala dhex qarxa, iyadoo arrintaana Eeddeeda xukuumaddu yeelan doonto.

 

Lama garan karo halka ay ka fad-kudin doonto xodxodashada xukuumadda ee ku eg dhinaca madaxdhaqameedada, waxase ay tani caddaynaysaa inay xukuumaddu qar jafayso oo ay Odayaal dhaqameed ku dirqiyeyso inay arrimo siyaasadeed  oo aan shaqadooda ahayn faraha la galaan.

Sida ku talo galku ahaa waxa la filayey inay kooxda salaadiinta ah ee isu xilqaantay inay arrintan damiyaan ee dhawaan natiijo soo hooyaan, balse arrimahan iska soo daba dhacaya ayaa keeni kara kala fogaanshiiyo hor leh oo labada dhinac ku yimaadda.

 

Maanta ayuun baa ay ahayd markii Guddoomiyaha xisbig Muxaafidka ah ee Kulmiye oo sheegay inay jiraan Wasiirro  hadalkooda ku talax tegay oo bixiyey jawaabo   aan u wanaagsanayn iyagoo oo uu ku tilmaamay inay yihiin Awr dabr la’aan dhacay.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)Hargeysa Office.

Mawliidguure@yahoo.com

 

Comments are closed