|

Xumuumadda Somalia oo ugu Dambayntii Lagu Qasbay inay Aqoonsato maamulka Axmed Madoobe

a madoobeMugdisho: 25-july-2013(SDN)Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fiidnimadii xalay garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho kulan ku dhex maray Madaxda ugu sareysa dalka oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisal Wasaare Saacid, Wakiilka Qaramada Midoobay Nicholas Kay, Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka kenya ahna kuxigeenka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya jooga, Wakiilo ka socda dalalka IGAD, Afrika iyo Midowga Yurub.

 

Kulankan oo ahaa casho, islamarkaana lagu lafagurayay arrimaha ka taagan Magaalada Kismaayo,  ayaa  waxa ay u muuqataa in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay aqbali doonaan Maamulka Axmed Madoobe Madaxda ka yahay maadama Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyaashu sidaas isku afgarteen, iyadoo ay goobta kulanku ka dhacayey ay faddhiyeen  wakiilo ka socday Axmed Madoobe.

 

Kulankan ayaa waxaa uu daba socday kulan Magaalada Adis ababa ku dhex maray Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo Ergay metelaysay Axmed Madoobe.

 

Sida ay sheegayan kulankaas toddobaadkii hore ka dhacay Magaalada Adis ababa waxaa lagu gaadhay heshiis hordhac ah oo u muuqday in Dowladda Soomaaliya ugu dambeyntii aqbashay madaxweynimada Axmed Madoobe.

kulankii xalay fiidkii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa muuqatay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo markii hore kulan hordhac ah ku yeeshay Madaxtooyada  aanay  raalli ka ahayn qorshaha Nicholas Kay iyo beesha Caalamka laakiin si dirqi ah ku ogolaadaan inay aqoonsadan Axmed Madoobe.

 

Ra’iisal Wasaare Saacid oo Mashaakil ka haystay arrimaha jubbooyinka maadaama taageerayaashiisa laga saaray Magaalada Kismaayo aad ayay ugu adkeyd inuu bedelo mowqifkiisa hore laakiin wararka ayaa sheegaya in dhinacyada isku haysta kismaayo iyagana la heshiisin doono.

 

Qorshaha cusub ayaa waxaa uu yahay in Dowladda Soomaaliya ay aqoonsato Maamulka Axmed Madoobe kaas oo shaqeyn doono oo kaliya 12 bilood kadibna la sameyn doono doorasho cusub.

 

Aqbalaadan ay xukuumadda Xasan Sheekh ku ogolaatay  Maamulka Axmed Madoobe ayaa ka damabsay Culays siyaasadeed oo Beeshha caalamkku ay saartay si meesha looga saaro Nabadgelyo darrada ka  ka haysata xukuumadda Deegaanada Jubooyinka.

 

 

 

 

Somalidiasporanews.com

 Mugisho OFice.

 

 

Comments are closed