|

Waa Gediisiiye:Guddoomiyaha UCID oo Libintiisii Siyaasadeed U Hibeeyay Guddoomiyaha Wadani

Hargeysa July 25,2013(SDN)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Faysal Cali Waraabe ayaa heshiis toban qodob ka kooban la sixiixday Guddoomiyaha xisbiga Wadani Md Cabdiraxmaan Ciro.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa bilihii u danbeeyay wax uu la soo baxay mucaarad toosin ah oo uu Xukuumada Axmed Siilaanyo cebeheeda dibeda ugu soo saarayo.

Mucaaradadan toosinta ah ayaa ay reer Somaliland ku diirsadeen isla markaana ay u arkayeen mid meesha hore uga maqneyd.

Hase yeeshee Xisbiga Wadani oo isagu mucaaradnimadiisu aaneyba muuqan ayaa maanta waxa guushii uu dhawaanahan gaaray ay la wadaagayaan UCID.

Guddoomiyaha UCID oo ku guuleystay in la isu keeno mucaaridkii kala baahay isla markaana soo dhisay Golle Wada Tashi aya haatan u muuqda in uu baabkaasi iska laabayo.

Xukuumada Axmed Siilaanyona taa waa ay ku diirsan doontaa dhawaan.

Waxaase isweydiintu noqoneysaa halka Guddoomiyaha UCID u ciirsan doono kolka Sub-station Wadani ka gaabiyo mucaarada.

Isla markaana mar kale laga helo cidlo,toloow hadan ma Ciro ayaa i khiyaameeyay ayuu umada la hor iman doonaa,mar kale?.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed