|

”Hal Dal baynu nahay ,baahida gudaha ka jirta way kala duwantahay , siday u kala duwantahay baan dhaqaalaha u qaybsan doona” Madaxweyne Xasan Sheekh {DHAGAYSO}

Muqdisho 24.July (SDN) Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta la kulmay wafdi ka socday Midowga Yurub uuna hogaaminayay Nick Westcott oo ah Agaasimaha guud Afrika ee EU.

Kulankan ayaa waxa xigay mid ka dhacay Garoonka diyaaradaha oo looga arinsanayay shirka 16 Sep,2013 ka dhacay Brussels oo ah shir caalami ah oo Somalia taageero lagu siinayo laguna magacdaray Heshiiska New-Deal.

Wasiirka Maaliyada Somalia Maxamuud Sulaymaan ,safiiro ka socday Midowga Yurub iyo Africa ayaa ka soo qaybglay kulanka ,waxana ka dib kulanka la hadlay saxaafada Xasan Shiikh Maxamuud.

Shirka ka dhacaya Belgeim ayuu si faahfaasan uga hadlay oo uu sheegay in saddex qaybood loo qaybsan doono daboolida baahiyaha taagan oo kala Dawlada Federaalka Somalia ,Puntland iyo Somaliland inkasta oo uu raacshay inay loo kala badan doono hadba sida loo kala badanyhay baahida.

”Hal Dal baynu nahay ,baahida gudaha ka jirta way kala duwantahay ,siday u kala duwantahay baan u kala dhaqmi doona siday u kala duwantahay baan dhaqaalaha u qaybsan doona” Ayuu yiri Xasan Shiikh.

Dhankiisa ayaa Nick Westcott ayaa New-Deal uu ka muujiyay rajo wajaagsan uuna ku tilmaamay mid Somalia wax u leh ,isagoona raacshay in uu tagi doono Somaliland iyo Puntland si uu latashi ugala sameeyo shirka September.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Madaxweyneeu.mp3″]
Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed