|

SAMAALE WAA WASIIR MEEL SAARAY SHAQADII LOO DOORTEY

Salaan ka dib.

 

Ma aha ujeedada loo nool yahey in la yidhaahdo dawlada oo dhami waa wada baaba ama maba jirto cid dawladaa ka tirsan oo wax wanaag lagu sheegi karaa. Hadii sidaas la yidhaahdo waxa soo baxaya in cida sidaa u hadleysaa ay tahey qof xaasid uun ah. Iska daa Dawlada Somaliland ee maanta jirta eh taliskii Maxamed Siyaad Bare ee haligmay ayey ku jireen rag dalka iyo dadkaba u shaqeynayey oo beri ka ahaa ficiladii uu taliskaasi kula kici jirey umadiisa.

 

 

 

Wasiirka Maaliyada Somaliland AbdiAziz Samale waxaan odhan karaa waa wasiir shaqadii Qaranka loogu dhiibey ka soo baxey, sababta aan sidaa u leeyahey waxa weeye. Sidiisaba Wasiir Maaliyadeed shaqadiisu waxey tahey inuu miiska soo saaro Misaaniyad sanadeedka odoraska ah ee Barlamaanka dalku ansixiyey. Si hadaba uu Wasiir Maaliyadeed gacanta ugu dhigo Misaanayada la ansixiyey waa inuu uu yahey nin u soo jeeda  oo kala dagaalama Musuqmaasuqa meelaha Ilaha dhaqaalaha ee dalku uu leeyahey ama hadii si kale loo yidhaa waa in Wasiir  Maaliyadeedku uu Maaliyada dalka soo gelaysa isha ku haya ka hor inta aaney hantidaasi ku soo xaroon Khasnada Dawlada. Dabcan Somaliland ma hesho kaalmooyin badan oo dibada ah maadama aanu dalku haysan Aqoonsi Caalimi ah, taas darteed waxa dalka soo gaala waa hanti 70% ka soo baxada dekada Berbera iyo inta kale oo kastamada cashuuradka Beriga ka timaada.

 

 

 

Hadhow lacagta sida wasaarad kasta, ama hayad kasta u isticimaaleysa ma aha shaqo Wasaarada Maaliyda u taala. Waxaana Hubaala oo aan anigu ku tagayaa in lacagta hayadaha Dawladu qeydhinka ku qeybsadaan ay 50% si khaldan oo qeyral sharci ah ku baxdo . Taasina ma aha shaqo u taala Wasaarada Maaliyada iyo Wasiirkeeda Midna waa shaqo u taala haydaha xaqa u leh iney helaan Xisaab celin iyo kuwa daba galka hantida dalka loo cugtey

 

 

 

Gebagebadii sida laga soo xigtey ilawadareedyo lagu kalsoon yahey iyo weliba Wasaariyada Maaliyada lafteeda waxaa hubaala in Wasiirka Maaliyada Samaale uu hanti badan oo si khaldan u bixi jirtey u badaadiyey Qarankan aan la aqoonsan ee dadkiisiina Ilaahey ka dhigey qaar Qabyaaladi baabisay. Waxaanu mudan yahey in lagu hanbalyeeyo shaqada uu qabtey ee Wanaagsan.

 

 

 

Alla mahad leh

 

Osman Omar Dool

 

Hargeisa Somaliland

 

 

Comments are closed