|

Ololihii Talaalka Cudurka Dabaysha oo beri ka bilaabmaya Gobolada Somaliland

Hargaysa 24.July (SDN) Talaalka cidhibtirka dabaysha ayaa maanta si rasmi ah loogaga dhawaaqay Dalka Somaliland kaasoo maalinta berrito ee khamiista oo ku began 25 bisha ka bilaaban doona Gobolada Somaliland.

Marwada Madaxweynaha JSL Marwo Aamina Xaaji maxamed Jirde oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa munaasabadaasi klaga qayb galay Hotel Maansoor ee magaalada hargaysa.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) ayaa faahfahin ka bixiyey ololaha cidhibtirka cudurka dabaysha oo maalinta berito kabilaaban doona dalka oo dhan taasoo jawaab u ah ka dib markii hal kiis oo Virus-ka Polio-da ah laga helay xarunta gobolka Sool ee laascaanood, waxana uu u soo jeediyey hawlwadeenada caafimaadka ee gudanaya ololaha talaalka inay hawshaas u gutaan si mas’uuliyadi ku jirto, sidoo kalena ugu baaqay waalidiinta inay ubadkooda geeyan goobaha talaalka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh Khaliil cabdilaahi Axmed oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qayb galay munaasabadaasi ayaa ugu baaqay guud ahaan iimaamyada masjid jaamacyada inay khudbadda maalinta jimcaha ah ee todobaadkan ku soo qaataan halista uu aadamaha gar ahaan ubadka ku keeni karo cudurka dabayshu.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Somaliland Marwo samsam cabdi Aadan ayaa iyana halkaasi kaga dhawaaqday in xiligan la wado qorshe lagu dejinayo xeer dhigaya in aan School-ada la qorin caruurta aan talaalayn.

Wasiirada wasaaradaha warfaafinta, shaada iyo arimaha bulshada iyo Mayor-ka caasimadda ayaa iyaguna baaqyo kuwaa la mida ah u jeediyey bulshada Somaliland kana dalbaday inay dadweynahu ubadkooda geeyaan goobaha talaalka.

Hay’adaha samafalka ee wada shaqaynta la leh wasaaradda caafimaadka sida WHO & UNICEF ayaa ku balanqaaday inay dhankooda ka qayb qaadan doonaan xakamaynta cudurka dabaysha.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed