Labada Xisbi-mucaarad ee Waddani iyo Ucid oo saacadaha soo socda kala saxeexanaya heshiis is-kaashi.
Hargeysa 24-july-2013 (SDN)Labada Xisbi mucaarad ee Waddani iyo Ucid ayaa saacadaha soo socda Heshiis iskaashi ku kala saxeexan doona Huteel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.
Ka dib kulamo iyo wada hadallo in muddo ahba u socday labadan xisbi mucaarid ayaa ugu dambayntii waxa labada xisbi oo markii hore aanu xidhiidhkoodu fiicnayni isla meel dhigeen inay dhinac iskaga leexiyaan wixii khilaaf ah ee dhexyaalla, islamarkaana abuuraan jawi wada shaqayneed oo horseeda Mucaaradad xooggan oo dalka ka hirgasha.
Inkastoo aanu wali jirin war rasmi ah oo labada Xisbi soo saareen, haddana waxa la sheegayaa inay isku raaceen qoddobadan soo socda.
1. Inay Cudud midaysan ku wajahaan mucaaraddada xukuumadda, Doorkooda toosineedna ka qaataan.
2. In culays ay ku saaraan xukuumadda sidii waddanka looga hirgelin lahaa Diiwaangellinta codbixiyayaasha.
3. Inay labada xisbi ka wada shaqeeyaan sidii doorashada madaxtooyada iy wakiiladu wakhtigooda ugu dhici lahaayeen oo ku Beegan sanadka 2015.
- 4. Inay labada xisbi abuuraan is-gaashaanbuuraysi xooggan oo mucaarad ah, kaas oo xukuumadda Siilaanyo ku dirqiya inaanay waddanka ku hogaamin Rabitaankeeda oo qudha.
Wadahadaladan labada xisbi dhex maray, ayaa ka dambeeyey xurguf soo jiitantay oo muddo u soo dhexaysay, waxana ay arrintani meesha ka saaraysaa kala irdhaw siyaasadeed oo labada hogaamiye ee labada xisbi ugu sarreeya muddo soo dhex miranaysay.
Arrintan ayaa warwar iyo walbahaar horleh ku ah xukuumadda Axmed Siilaanyo oo muddo dheer oo saddex sano ah waddanka ku soo maamulaysay Garoon bilaa mucaarad ah iyadoo talada dalka Kaliygeed Go’aan ka gaadhi jirtey.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed (timo) Hargeysa Office.