Radio Muqdisho oo Markii u horeysay ka hadlay Somaliland isla Markaana la Saftay Wasiir Xirsi
Muqdisho July 24,2013(SDN)-Warbaahinta ku hadasha afka dawlada Soomaaliya ee Radio Muqdisho ayaa markii u horeysay ka hadashay siyaasada Somaliland.
Radi Muqdisho ayaa soo xigatay jawaabtii Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji ka bixiyay edihii ay u soo jeediyeen xubnaha Gollaha Wada Tashig iyo Toosinta Qarka Dhawaan.
Radioo Muqdisho ayaa qoraal ay bogooda dhigan sidan u qora:
Maamulka Somaliland Oo Iska Fogeeyay Eedeymo Loo Soo Jeediyay
Xilli maalmihii lasoo dhaafay ay isa soo tarayeen dhaliilo kala duwan oo loo jeedinayey siyaasadda maamulka Soomaaliland, taas oo ay jeedinayeen siyaasiyiin uu ka midyahay Feysal Cali Waraabe ayaa arintaas waxaa jawaab ka bixiyey xubno ka tirsan madaxtooyada Maamulkaasi.
Wasiirka madaxtooyada Soomaalinad Xirsi Cali Xassan ayaa sheegay in Feysal Cali Waraabe iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda gobolada woqooyiga Soomaaliya ay ka shaqeynayaan bur burka iyo dhibaatada Soomaaliland, isagoo been abuur ku tilmaamay eedeyn iyo dhaliilo loo jeediyey Siilaanyo.
Xirsi Cali waxa uu sheegay in dadka eedeynaya siyaasadda maamulka Soomaaliland ay yihiin shaqsiyaad ku fashilmay siyaasadda Soomaaliland, wuxuuna ku baaqay in laga wada shaqeeyo nabadgelyada iyo xasiloonida siyaasadeed.
Hadalka kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliland ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkaan dambe ay iska soo daba dhacayeen mucaaradad looga soo horjeedo siyaasadda maamulka Soomaaliland, iyadoo lagu eedeynayey hoos u dhac ku yimid horumarkii goboladaas iyo in ay dano gaar ah ku mashquuleen hogaamiyeyaasha maamulkaasi.