|

“Hadaad Shalayto soo Halgamaysay,Laakiinse ay kuu barbar taalay in aad Siilaanyo u gasho Jidgooyo oo Ina Cigaal…” Wasiirka Madaxtooyada iyo Jawaab Celinta Faysal iyo Dhego weyne {DHAGAYSO}

Hargaysa 23.July (SDN) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyad Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka Gil Gishay Mar kale hadalo ay Warbaahinta u Mariyeen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Siyaasiyiinta Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka isagoo Si Gaar ah u Bar tilmaameedsaday Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Mujaahid Ibraahin C.laahi Xuseen Dhego Weyne isagoo Cadeeyay in Siyaasiyiintani ay Ku Fashilmeen Saaxada Siyaaasada .

Waxa uu Wasiirku Ku Eedeeyay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Nin Xisbigiisii ka Cararay,Halka uu Mujaahid Ibraahin Dhego Weynana uu ku Suureeyay Shakhsi uu Ururkiisii Udhis ummadu diiday inay doorato.

Waxaanu hadalkan ka Jeediyay xadhiga ka jaris loo sameeyay Wado  Shantii KM oo ah Wejigii 1aad ee Wadada laamiga ah ee Isku Xidhaysa  degmooyinka kala-baydh iyoWajaale.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XirsiWado.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed