Wasiirka Deegaanka oo Furtay Kulan lagu Naaqishayo Sida ugu Sahlan ee loo Daryeelo Deegaanka
Hargaysa 23.July (SDN) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil baandare ayaa maanta magaalada hargaysa kafurtay kulan labo maalmood socon doona oo lagu eegayo sida ugu sahlan ee loo daryeeli karo deegaanka.
Kulankan oo ay ka qayb qaadanayaan ururo samafal oo maxalli ah iyo hawlwadeeno ka tirsan wasaaradda deegaanka ayna soo qabanqaabisay daladda isku xidhka ururada samafalka ah e aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa waxaa ka hadlay madaxa daladdaasi Md Anwar Cabdiraxmaan Warsame waxana uu sheegay inay dadaal badan u galeen sidii uu u qabsoomi laha kulan noocan oo kale ah.
Guddoomiyaha daladda SONSAF Md Mustafe sacad Dhimbiil ayaa isna faahfaahiyey ujeedada kulanka oo uu ku faahfaahiyey iny tahay sida loo daryeelayo deegaanka loogana hortegayo wax kasta oo waxyeelaynaya.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil baandare oo kulankaasi furitaankiisii ka hadshay ayaa balanqaaday sida ay dawladda uga go’an tahay ilaalinta iyo daryeelka deegaanka, xukuumadda Somaliland-na dhiirigelinayso cid kasta oo ku hawlan deegaanka iyo horumarintiisa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com