Fasiraad iyo Faallo kooban oo ku qotonta jawaabtii uu Maanta Wasiir xirsi ku liishaamay Golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka.
Hargeysa 23-july-2013 (SDN)Wasiirka wasaaradda madaxtoooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta si kulul oo cadho ka muuqato ugu jawaabay xubnaha ugu sarreeya Golaha wadatashiga iyo toosinta Qaranka oo maalintii shalay si qaawan u weeraray hogaaminta madaxweyne Siilaanyo.
Wasiir xirsi u muuqda nin labada qowlala xumbada ka tuuraya, ayaa af labadii ula baxay xubnaha miisaanka leh ee Golahan ku jira oo Mujaahidiin u badan.
Ugu horrayn waxa uu wasiir xirsi si cad u weeraray Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali waraabe oo beryaha isaga iyo xirsi ay fiintu dhex miranaysay.
Haddalada uu Xirsi hawada u mariyey ee uu ku talo galay inuu kaga Gam’o duufaanadan siyaasadeed ee uu ku soo kiciyey, ayaa waxa ay u dhacayeen sidata, “Waar dalka waxba kuma tarto cay iyo aflegaaddo, Haddii uu halgan ku jireyna inaad lugta jiidi jirtey oo basaas u ahayd horaa loo ogaa, laakiin waxanu ku leeyahay kala daa cayda maalintii iyo Ergada Habeenkii.”
Hadalkan ayaa waxa laga dhex dhadhansan karaa sida aanu wasiir xirsi marna uga raalli ahayn in isaga iyo xirsi la isa soo hor fadhiisiyo si loo daweeyo waxa dhex yaalla.
Sidoo kale waxa uu xirsi isku dayey inuu mar kale murtiyeeyo dhaqdhaqaaqa iyo socsocodka siyaasadeed ee Guddoomiye Faysal, isagoo ugu soo halqabsaday xilliyada dagaalka lagu jiro iyo jaahwareerka dhaca, waxana uu yidhi, “Waxa dhici jirtay xiliyadii dagaalka marka la is galo ee arrintu adkaato rag gaadhigaba ka dega oo is yidhaahda malaha cagahaagaa la qaatay oo carara, faysalna waa ninka xisbigiisii cidla ka doorbiday eek a cararay.”
Wasiir xirsi ayaa sidoo kale Hadallo ad-adag adeegsaday mar uu si gaar ah ugu jawaabayey mujaahidka weyn ee Ibraahim Dhegoweyne,isagoo muujiyey inaanu marnaba aqbali Karin in Madaxweyne Siilaanyo oo umaddu Dooratay cidi wax ka sheegto, isagoo u banbaxay Go’doominta iyo faquuqida cid kasta oo madaxweynaha wax ka sheegta, islamarkaana mujaahidka ku tilmaamay mid hagardaamooyin siyaasadeed mar walba ku foogan, waxana uu hadalka uu mujaahidka ku durayey u dhacay sida,
“Haddaad shalayto soo halgami jirtey laakiin ay kuu barbar taalay inaad siilaanyo jidgooyo u gasho oo ina Cigaal xilligii salaadiinta la ururinayey aad lahayd soo deg waan duminayaaye, oo Ina rayaale shalayto aad lahayd aan ku duullo oo weerarno, maantana waa ayaan darro ee miyaanada ka Gudbayn inaad dalkaaga tidhaahdo aan col geliyo”
Waxa kale oo uu xirsi ku cadho burburay, islamarkaana si cad ula hadlay mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi oo ay in badan isku eedeen Hawlihii wasaaradda maaliyadda oo uu xirsi middi-roortayn iyo ishaafalatayn badan ku hayey, waxana uu ku yidhi, wasiirku, “Maxamed Xaashow shalay maad tilmaantid waxad maanta sheegayso.”
Ugu dambayntoo waxa uu wasiir xirsi afkiisa kaga Gooddiyey inuu Odayaashan Dabaylaha siyaasadeed ku furay inuu sharciga la tiigsan doono oo ay halkaa ku kala bixi doonaa, iyadoo hadalkiisana ay ka muuqatay inay madaxtooyadu ku hawllan tahay sidii ay qiil ugu heli lahayd xadhiga iyo xabisidda mujaahidiintan oo ay u arkaan far dheeraatay oo halis gelin karta maamulka kootaysan ee gaadhka uu xirsi ka hayo.
Inkastoo ay ilaa xalay soo baxayeen hadallo hoose oo sheegaya in madaxweyne Siilaanyo uu dalbaday in tallaabo muuqata laga qaado mujaahid Dhegoweyne oo ay xukuumaddu u aragto inuu yahay ninka kaliya ee aan gabanayn, islamarkaana dabada ka riixaya dhaliilahan xukuumadda la daba wado, iyadoo mujaahidku maalintii shalay uun uu xukuumadda kula hadlay luuqad adag oo qaawan.
SOMALIDIASPORANEWS.COM
Axmed Cumar Axmed (timo) Hargeysa Office
Mawliidguure@yahoo.com.