Salaadiin iyo wax garad si cad uga gabaday Eedaynta Golaha wadatashiga mawqif dhexdhexaadnimana qaatay
Hargesysa 23-july-2012 (SDN)Salaadiin iyo waxgarad Reer Somaliland ah ooiska indha tiray Banraamija xukuumadda ee Wajikumacaashka Mawqif dhedhexaadnimo ahna iska taagay Golaha Wadatashiga
Salaadiin, Cuqaal iyo waxgarad miisaan ku leh Somaliland, ayaa gees iska dhigay rabitaanka xukuumadda Somaliland ee ah in la dhaleeceeyo Golaha wada tashiga Iyo Toosinta qaranka kuna dhiiraday inay mawqif cad oo dhexdhexaadnimo ah ku galaan muranka u dhexeeya xukuumadda iyo Golahan.
Salaadiintan oo aad u tiro badnaa oo habeenkii xalay shir albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa isla qaatay inay arrinta u galaan si dhexdhedaad ah oo aanay la safan dhinaca iyo xukuumadda iyo ka Golaha midna maadaama ay iyagu labada dhinacba salaadiin u yihiin sida dhaqanku qabo.
Shirkaa albaabadu u xidhnaayeen, ayey ayey salaadiintani iskula qaateen inay iska saaraan Guddi tiradooda lagu sheegay 17-xubnood oo labada dhinac soo dhegaysata si loo gaadho xal waara loogana baxo yooyootanka iyo cambaaraynta warbaahinta la isu marinayo.
Salaadiintan oo aan deegaan ahaan ku koobnayn kaliya Gobolka Maroodi-jeex, ayaa baal ka dhaafay mawqifkii ay xukuumaddu la doonaysay inay qaataan oo ahaa inay si toos ah u cambaareeyaan Golahan sidii ay qaar ka horreeyeyba yeeleen, waxana ay ku adkaysteen inay arrintaasi meel ka dhac ku noqonayso maadaama ay yihiin dad karaamo ku dhex shacabka reer Somaliland.
Guddidan ay salaadiintu iska dhex saareen, ayaa waxa la filayaa inay sida ugu degdegga badan u galaan hawshooda xallineed, waxana la sugayaa inay kulamo gooni-goonni ah la kala qaataan Xukuumadda iyo Golaha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.
Tan iyo markii muddo haatan laga joogo laba Toddobaad Magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay Golaha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, waxa maanta soo baxay salaadiintii ugu horraysay ee iskeed iskugu xilsaarta inay arrinta si toos ah u galaan oo aanay eegan maadaama haatan meel xaasaasi ah oo aan la eegan Karin la gaadhay.
Lama garan karo natiijada ka soo bixi doonta isu soo jiidida ay wadan Guddidan salaadiinta iyo waxgaradka isugu jirtaa, waxana jira yididiilo kooban oo laga qabo inay natiijo fiican keeni karaan maadaama labada dhinac ay aad u kala fog yihiin gaar xukuumadda oo aan muujin ifafaale Isfahan oo dhex mari kara labada dhinac.
SOMALIDIASPORANEWS.COM
Axmed Cumar Axmed (timo) Hargeysa Office.