“ Waxanu aaminsanahay inay Guddida Diiwaangelintu yihiin Dhagax lagu soo Tuuray Xisbiga Ucid oo aanay Dambi lahayn……” Xog-haye Axmed Aadan Kayse
Hargeysa 23-july-2013 (SDN)Xisbiha Caddaalada iyo Daryeelka Somaliland ee Ucid ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarnta Guud ee ay ku leeyihiin Magaalada Hargeysa, kaga jawaabay war qoraal ahaa oo ay hore ugaga dalbadeen in xisbigu tallaabo ka qaado Guddoomiye Faysal oo ay sheegeen inuu ku biiray Gole sharci darro ah.
Shirkan jaraa’id oo ay ka soo qaybgaleen Xubno miisaan leh oo xisbigaa ka tirsan oo uu Hormood u ahaa Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Ucid Axmed Aadan Kayse, ayaa ay Gees iskaga leexiyeen Eedda Guddida Diiwaangelinta Ururada siyaasadda iyo Axsaabta qaranku dusha ka saareen Guddoomiye Faysal, iyagoo sheegay inaanay Guddidu xaq u lahayn inay Hadal iyaga ku socda u dhex mariyaan Hay’adaha warbaahinta.
Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Ucid Axmed kayse oo halkaa ka akhriyey warsaxaafadeed dheer ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan, “waxanu shirkan jaraa’id u qabanay Inaanu kaga jawaabno farrriin iyo hadalo u muuqday amar qaawan oo ay guddida diiwaangelinta iyo ururada siyaasadu warbaahinta noo mariyeen, Guddida diiwaangelinta waxa la gudboonayd inay si toos ah noola soo xidhiidhaan, waxana wax laga xishoodo ah inay warbaahinta noo soo mariyeen taas oo aanu u aragno meel ka dhac”
Axmed Aadan Kayse oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in hadalka ka soo yeedhay Guddida Diiwaangelintu uu dhaawacayo Hannaankii wada-shaqayneed eeka dhexeeyey Guddida iyo Axsaabta, waxana uu yidhi, “Waxay arrintaasi noola muuqataa in guddida diiwaangelintu si u la kac oo bal marsan anshaxa wanaagsan iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee naga dhaxeeya.”
Sidoo kale waxa uu Axmed Kayse sheegay inay saluugsanyihiin waxa ay Guddidu Eedda uga dhigtay Guddoomiyahooda, waxana uu yidhi, “warsaxaafadeedkii Guddidan ee siyaasadaysnaa oo aanu u aragno in dan gaar ah laga lahaa, waxana warsaxaafadeedkooda ka muuqda in Guddoomiyaha xisbigayaga uu ka dhex muuqday gole aan sharci ahayn, waxana yaab nagu noqotay in guddidu ay dambi uga dhigeen Gudoomiye Faysal meel buu ka muuqday.”
Xog-haye Axmed Kayse, ayaa inay Dastuurka Somaliland ka waayeen Qoddob sheegaya inaan lala fadhiisan Karin Guddi aan sharci-darradooda la caddayn, waxana uu yidhi, “waxanu akhrinay dhamaan qododbada uu ka kooban yahay dastuurkeenu meelna kumaanu arag wax sheegaya inay dambi tahay la fadhiisiga Gole iyo dad muwaadiniin ah oo magac iyo karaamo ku leh shacabka reer Somaliland.”
Xog-haye Kase oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi,
“waxa wax laga xumaado ah in guddidii Diiwaangelinta ee u muuqatay dhexdhexaadku ay soo galeen weerarkii iyo dagaalkii afka ahaa ee u dhexeeyey xukuumadda la sii legday iyo mucaaridkeeda, ujeeda ay u soo galena waxanu u aragnaa mid hiil ah oo Gurmad ah.”
Ugu dambayntii waxa uu Axmed Aadan Kayse farta ku fiiqay ay inay Guddida Diiwaangelinta u arkaan dhagax la soo adeegsaday oo lagu soo tuuray xisbiga Ucid oo aanay iyagu Eed lahay, waxana uu ydihi, “Guddida Diiwaangelinta waxanu usoo jeedinaynaa inaanay lumen kalsoonidii shacabka iyo asxaabtu ku qabeen, muddada yare e labada bilood ah ee u hadhayna aanay khaatumo xumaysan, waxana aanu rumaysanahay inaanay Guddida Diiwaangelintu lahayn wax dambi ah anagoo u aragna inay yihiin Dhagax lagu soo tuuray xisbiga Ucid, waayo dhagaxu dembi ma laha balse waxa dambi leh cidda soo tuurtay.”
SOMALIDIASPORANEWS.COM
Axmed Cumar Axmed (timo) Hargeysa Office.