Beesha toljecle oo ku eedaysay madaxweyne siilaanyo in uu wadankii u horseeday cadaalad daro iyo Colaad
Hargaysa 23July13 (SDN) Waxgarad , Aqoonyahano, ganacsato ,iyo cuqaal ka soo jeeda beel weyn ta axmed sh isaxaaq (toljecle ) ayaa xukuumada siilaanyo ee talada haysa ku tilmaantay mid rajo beel iyo quus ku riday umada reer somaliland gaar ahaan beesha toljecle oo ahayd beeshii ugu horaysay ee taageerta xukuumada talada haysa markii ay mucaaridka ahayd.
silaanyoMaaha markii koowaad beesha toljecle si fagaare ah uga hadasho xukuumda talada haysa iyo debin daabada ay geyay siiyey bulshadii reer somaliland ee sida hagar la’aan ku soo dooratay.
Beesha toljecle waxay aad uga xun tahay cadaalad darada iyo dib u dhacyada xukuumada talada haysa Isla mar ahaantaas beesha toljecle waxay taageersan tahay golaha wada tashiga iyo toosin ee dhawaan laga dhisay wadanka somaliland
Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland waxaa loo doortay in uu wadan kan u horseedo horu mar iyo barwaaqo laakiin taasi waxay noqotay hal bacaad lagu lisay ka dib markii madaxweynuhu si badheedh ah isaga baal maray kuna maamulay wadan kii nidaam beeleed oo aad u liita
Ugu dambeyntii beesha toljecle waxay ugu baaqaysaa bulsho weynta reer somaliland gude iyo dibada in ay taageeran golaha wadashiga iyo toosinta .
Beeshu waxay mudo badan ka dhar sugaysay bal in ay sidan dhaami doonto laakiin waxaa muuqata in ay maalin maalinta ka dambaysa xukuumada ku guul daraysanayso waxyaabihii loo igmaday
Qaar ka mid ah xubnihii warsaxaafadeed :-
1- Abdirahman Abdilahi Elmi Aqoonyahan
2- Mustafe dahir ahmed Aqoonyahan
3- Adam mahdi ahmed
4- Caaqil Abiib ibrahim diiirye Chief caaqil
5- Caaqil hassan khayre chief caaqil
6- Hashi ahmed ibrahim ganacsade
7- Abdikadir warsame ganacsade
8- Deeq abdi Aqoonyahan
9- Abdilahi siciid ibrahim ganacsade
10- Husein mohamed Essa ganacsade
11- Mustafe siciid ahmed
12- Mohamed abdi ali ganacsade
13- Mukhtar bare kaliil ganacsade
14- Mohamoud daahir ahmed Aqoonyahan
15- Mohamed elmi siciid Aqoonyahan
16- Amal ahmed siciid Aqoonyahan
17- Warda ibrahim yusuf Aqoonyahan