Shirkii Wada Hadalka Somaliland iyo Somalia iyo 10ka Qodob ee Ajandaha ah {DAAWO}
Istaanbuul 08.July (SDN) Shirkii afraad ee wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga. Waxaanay ergadda qaran ee Somaliland miiska soo dhigeen in ajandaha lagu darro qodobo xudun xidhka u ah sii socoshada wada hadalkan oo ay ka mid yihiin in Soomaaliya ay aqoonsato inay Somaliland ahayd wadan ka madax-banaanayd, lana soo noqday xornimadiisii iyo in qadiyadda Somaliland tahay lama taabtaan aan gor-gortan geli Karin.
Ergada Somaliland oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa kale oo qodobada kale ee ay soo bandhigeen in Somaliland ay maamulka hawadeeda aanay cid u dabo-fadhiisanaynin.
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Xubin ka ah Ergada Somaliland u Matalaysa Wada hadaladan ayaa ka waramay Ajandaha laga doodayo .
Istanbul SDN.
Qurbejoog.com