30 Arday oo Culluunta Saxaafada bartay oo Qallin Jebintooda Hargaysa lagu qabtay
Hargaysa 08.July (SDN) Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta ka qayb galay xaflad waxbarasho oo ay ku qalin jebinayeen 30 arday oo bartay aqoonta saxaafadda.
Munaasabad arintaasi ku saabsan oo lagu qabtay Magaalada Hargaysa ayna ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiyaha Ururka ODXA Marwo Faadumo Siciid iyo hawlwadeeno dhinac saxaafadda ah ayaa waxaa halkaa ka hadlay Maamulaha mac-hadka AIDAM Maxamuud Xaaji Cali Ismaaciil oo sheegay in dufcadani tahay tii 39-aad ee dugsiga ka qalin jebisa.
Dr Sacad Cali Shire Wasiirka wasaaradaa Qorsheynta Qaranka ee JSL oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa isna si weyn ugu hambalyeeyey ardayda wax ka baratay mac-hadkaasi, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay sii wataan aqoonta ku saabsan saxaafadda. Waxaa kaloo halkaa ka hadlay mas’uuiyiin ay ka mid ahayd Marwo Faadumo Siciid oo ah Gudoomiyaha ururka samafalka ee wadaniga ah ee ODXA.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com