Magaalada Hargaysa oo lagu soo bandhigay Carwada Waxsoo saarka Wadaniga ah
Hargaysa 08.July (SDN) Carwada Wadaniga ah ee Wax soo saarka dalka oo lagu soo bandhigay Hotel Maansoor ayaa maanta si rasmi ah loo furay iyadoo socon doonta maalmaha soo socda.
Furitaanka carwadaasi waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yahiin Wasiirada wasaaradaha Beeraha, Qorsheynta, Deegaanka iyo kalluumaysiga oo uu wehelinayey madaxa xafiiska Hay’adda FAO ee Dalka JSL iyo madax ka kala socotay xafiiska hay’adaasi ku leedahay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka KENYA.
Madaxa hay’adda FAO ee Somaliland Md Maxamed Jaamac oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ururada wadaniga ah ee isu xilqaamay inay soo bandhigan carwadan kaa qayb qaataan ay yihiin kuwo mudan in lagu daydo.
Wasiirka Wasaaradda kalluumaysiga Md cali Faarax ayaa si faahfaahsan uga hadlay qorshayaasha u degsan wasaarad ahaan iyo sida loogu jihaynayo bulshada Somaliland dhanka kalluumaysiga maadaama muddo dheer lagu xidhnaa xoolaha nool ee Berriga
Wasiirka wasaaradda Beeraha Md Faarax Cilmi Geedoole oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in dhamaan wax soo saarka la soo bandhigay uu yahay mid wadani ah taasoo hormuud u noqonaysa hirgelinta wax soo saarka dalka iyo waxyaabaha horumarka u noqonaya dalkan
Wasiirka wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo iyana ka hadashay furitaanka carwadaasi ayaa sheegtay in soo bandhigista carwooyinka noocan ahi uu dhiirrigelin u yahay wax soo saarka dalka.
Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr sacad Cali Shire oo si rasmi ah u furay carwadaasi ayaa hadalo kooban oo uu halkaa ka jeediyey waxa uu ku tilmaamay in ay Somaliland farxad weyn u tahay inay soo bandhigaan carwo dhamaystiran oo ku saabsan waxyaabaha dalka lagu sameeyo oo manta u diyaar ah inaynu dalka dibadiisa u dhoofino.
Munaasabadaasi waxaa kaloo ka hadlay Gudoomiyayaasha ururada wadaniga ah ee soo bandhigay wax soo saarkii carwadaasi iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo Qorsheynta Qaranka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com