|

Wada hadalada labada dal ,Odhaahda Ergada Somaliland ee Shirkii Hordhaca ahaa,iyo Qodobada ay ku Garnaqsanayso

Ankara 07.July (SDN) Guddiyadda labadda wadan ee Somaliland iyo  Somalia ee wada hadaladu uga bilaabmi doonaan Magaalada Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaasi Mr.  Ahmet Davutoglu.

Hadal kooban oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Turkigu ugu talo galay Warbaahinta ayaa waxa uu ku sheegay in uu soo dhaweynayo wada hadaladda labadda dhinac uga bilaabmi doona saacadaha soo socda Ankara.

Mar uu ka hadlayay xidhiidhka uu Turkigu la leeyahay dalalka Somaliland iyo Somalia ayaa waxa uu ku sifeeyay in uu yahay mid aad uga heer sareeya lana mid ah ka ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka ay Jaarka Yihiin.

Mr.  Ahmet Davutoglu oo ka hadlayay wada hadaladda labada dal maanta uga bilaabmaya Magaaladda Ankara ayaa Sheegay in Turkigu ku dadaalayo sidii ay u sii socon lahaayeen Wada Xaajoodyada u dhexeeya labada dhinac isagoo xusay inay ka Go’an tahay sidii ay u samayn lahaayeen Wax kasta oo Iskaashi keeni kara.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar oo hogaaminaya ergada Somaliland ayaa ka hadlay qodobada hor dhaca ah ee labada dhinac ay ka wada hadleen waxaanu Xusay inay Warbixin kooban ka bixiyeen Waxyaabaha ay Somaliland ka filayso Shirkan oo Mudo Sadex Cisho ah Socon doona, Wasiirku waxa uu intaas ku daray in Sidoo kale ay ka hadleen qodobadii ka soo baxay Shirarkii hore iyo waxyaabaha ka fulay.

Geesta kale Wararka Ankara ayaa Tilmaamaya in Weftiga Somaliland Qodobada ay Isha ku hayaan inay Shirkan labada dal ku lafo guraan Dhawr Qodob oo ay ka Mid tahay Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland oo ah Xudunta Wada hadalada Marar badana laga Meeraystay Sidii loo Wajihi lahaa,Waxaa kale oo Soo raacda Qadiyada Duulimaadyada Hawada ee Qaramada Midoobay u gacan Gelisay Xukuumada Somalia taas oo ay Somaliland si adag u qaadacday isla markaana ay Somaliland Maamulka Hawada si toos ah ula wareegtay,Sidoo kale waxaa ka mid ah Dacwad ay Somaliland ka Gudbisay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo Jebiyay Sida ay ku doodayaan Qodob ka soo baxay Shirkii hore ee Ankara kaas oo sheegayay in la kala Joojiyo hadalada Xanafta leh Mudada Wada hadalku socdo iyadoo uu Madaxweynaha Somalia uu Qadiyada Gooni Isu taaga Somaliland ku Sifeeyay Caadifad iyo Laab la Kac ,xili ay Shacabka Somaliland u dabaal dagayeen 23 Guuradii ka soo Wareegtay Gooni isu taagaa Jamhuuriyada Somaliland,Taas oo Mudnayad ayay Yidhaahdeen Ergada Somaliland in Madaxweyne Xasan Sheekh halkii uu Ummada Somaliland kaga bogaadin lahaa Guusha balaadhan ee ay Gaadheen uu ku dhawaaqay inuu dafiro Jiritaanka Qaranka Somaliland oo Nafo badan loo Sadqeeyay .

Sidoo kale Ergada Matalaysa Dawlada Federaalka Somalia ayaa iyana Sheegaya in Xukuumada Somaliland ay Jebisay Qodobo ka Mid ah Heshiiskii Ankara ee Sadex Bilood ka hor kuwaas oo ay ka mid yihiin in Somaliland ay Joojisay Gargaarkii Bani aadan-nimo Maadaama ay Xayiraad ku soo rogeen Duulimaadyadii Qaramada Midoobay taas oo dhinaca Somaliland ay iyana ku doodeen in Maamulka Hawada Somaliland aanay u daba fadhiisanayn Muqdisho iyo dawlada ka Talisa.

Si kastaba ha ahaatee Weli lama Shaacin Ajandayaasha Shirkan Sadexda Cisho Socon doona iyadoo l filayo in Maalinta beri ah lagu dhawaaqo Qodobada aasaaska u ah Wada hadalkan,Dadka Siyaasada Mandaqada rog roga ayaa ku doodaya inaanu Shirkani Qodobada ka soo baxaa ay la mid ahaan doonaan kii ka horeeyay

Ankara SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed