|

Wasiiro Mar kale Degmada Xariirad u Tagay Xalinta Shaqaaqooyinkii ka Dhacay

Xariirad 07.July (SDN) Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda  xanaanada xoolaha  Somaliland Dr. Cabdi Awdaahir  Cali ayaa maanta socdaal hawleed ku tagay Gobolada Awdal iyo salal.

Waftigan  oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil C/llaahi Axmed, wasiirxigeenka wasaarada cadaaladdaNuur Cismaan Guuleed iyo xildhibaan Axmed Maydhane Waaberi oo ka tirsan Golaha Guurtida    ayaa  waxa socdaalkoodu la xidhiidhaa hawlgalka xalinta dhacdooyinkii kala dambeeyay ee ka dhacay degmada xariirad kuwaas oo falal dil ah oo kala duwan loogu gaystay laba muwaadin.

Wafdigan ayaa  maanta uga sii gudbay xarunta Gobolka Awdal ee Boorame dhinaca Degmada Xariirad ee Gobolka Salal.

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Awdaahi Cali  ayaa sheegay in wafdigoodani inta ay joogaan degaankaas ay kulamo la yeelan doonaan duqayda iyo waxgaradka kale ee degaankaas kana hawlgali doonaan sidii loo gaadhi lahaa xal  lagu soo afjarayo  falalkii dilka ahaa ee ka dhacay degaanka xariirad.

Xariirad SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed