|

Baanka Horumarinta Africa oo Quwada Leydha ka dhalinaya Harta Assal ee Jabuuti

Jabuti July 07,2013(SDN)-Mashuurc cusub oo uu maalgelinayo Baanka horumarinta africa oo laga fulinayo harta Asal ayaa kor u qaadi doona quwada Laydhka ee dalka Jabuuti.

Haatan dalka Jabuuti waxa quwadiisa leydhka uu ka helaa kuna tiirsan yahay shidaalka iyo quwada laga leeyahay Itoobiya.

Inta badan leydhka dalka waxa laga isticmaalaa uun caasimada Jabuuti,sida lagu sheegay war saxaafada loogu talo galay oo Baanka Horumarita Africa soo saaray.

Wershadaha dhaliya quwada Korontada Jabuuti ayaa ah qaar gaboobay oo qaali ah isla markaana biiada waxyeelo u geysta.

Sidoo kale waxa lacag adagi ku baxdaa soo iibinta shidaalada ay warshadahaasi ku shaqeeyaan,lacagahaas adag ayaa dalku siyaabo kale uga faaiideysan lahaa.

Sidaa awgeed Jabuuti ayaa kala bar uun ay awoodi karaan dadku in ay aqaladooda gashadaan leydh qiimaha oo ah mid aan la goyn kareyn awgeed.

Si kastaba ha ahaatee dalka Jabuuti ayaa eebe ku maneystay harta Asal oo soo saari karta awood leydh oo dalka oo idil ku filan isla markaana dalalka jaarka awoodaa u iibgeyn kareysa.

Baanka Dunidaiyo baanka horumarinta Africa ayaa wadajir u maalgelinya mashuuracan quwada looga dhalinayo Harta Asal.

Iyada oo Mashruucaasi wejigiisa hore ay ku bixi doonto aduun gaaraya $ 32 million ayaa Banka Horumarinta Africa waxa uu haatan bixiyay $7.5 million dollars oo hawsha lagu dardar gelinayo haatan.

Mashuurac ayaa la filayaa in uu siyaabo kala duwan u saameeyo nolosha iyo dhaqaalaha reer Jabuuti.

SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed