|

Beeraleyda Kiinya oo Britain ka codsaday in ay ka noqoto Goaankii ay ku joojisay Qaadka

Nairobi July 07,2013(SDN)-Siyaasiyiin iyo ganacsatada Qaadka ayaa dalka Kiinya ayaa dawladooda ka codsaday in ay wadahadal kala gasho dawlada Britain in ay ka noqoto joojinta at dalkeeda ka joojisay Qaadka.

Beeraleyda Qaadka ayaa sheegay in saameyn xun ku yeelan doona ganacsigooda iyo dhaqaalaha dalka Kiinya.

Qaadka ayaa gobolada qabow ee dalka Kiinya,waxaana loo iibgeeya dalal reer Yurub ah iyo Soomaaliya waxaana ka soo xarooda lacago faro badan.

Sida uu sheegay Kipkorir Menjo oo ah maareyaha ururka beeraleyda Kiinya ayaa sheegay in joojintani ay si khatar ku tahay nolosha kumanaan ruux oo qaadka ka ganacsada.

“Suuqa Qaadka waxa soo wejihi doona caqabado waaweyn,dadka ka ganacsada iyo kuwa beea qaadkaba waxa ay wejihi doonaan in suuqaasi meesha ka baxo,dadkani waxa ay ka heli jireen dakhli wanaagsan,halka Kiinyana ay ka heli jirtay lacago qalaad oo adag”ayuu yiri Mr Menjo

Maalinimadii Arbacada ee ina dhaaftay ayay dawlada Britain shaacisay joojinta qaadka iyada oo ka duuleysa in dalkeedu noqon karo goob si sharci daro ah Qaadku uga gudbo dalalka reer Yurub.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed