|

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Arday ka baxday Dugsiga Abaarso Tech

Hargaysa 06.June (SDN)   Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad loo sameeyay arday ka Qallin Jebisay Dugsiga Abaarso Tech isla markaana lagu sii sagootinayay 16 Arday oo Deeq waxbarasho ka helay Dalka Maraykanka .

Munaasibadan waxaa ka qayb galay oo kale Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha,Wasiir ku Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada, Wufuud ka socota Wadanka Maraykanka isla markaana uu horkacayo Aasaasihii dugsigan, Ganacsato,Aqoon yahan iyo Marti Sharaf kale.

Maamulaha Dugsiga Abaarso Tech Mr Jonathon Star ayaa ka waramay Marxaladihii kala duwanaa ee Dugsigani soo maray iyo Heerka uu Maanta taagan yahay waxaanu Sheegay inay maanta u fadhiyaan Midhihii u horeeyay ee Ka soo Go’ay oo ah ayuu yidhi Qallin Jebinta 19 Arday oo ka baxay Dugsiga Sare ee Abaarso Tech iyo Sagootinta 16 Arday oo Deeq Waxbarasho ka helay dalka Maraykanka.

Sheikh Maxamed Xaaji Maxamud Xiiray oo ah Gudoomiyaha Gudida Wanaag farista iyo Xumaan reebista,iyo Ganacsade C.qaadir Xaashi Cilmi ayaa kula dardaarmay ardayda dhamaysatay Waxbarashadu inay aqoontooda sii wataan halka kuwa u baxaya wadanka Maraykankana ay ku booriyeen inay ilaashadaan dhaqankooda iyo diintooda.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka waramay aasaaskii dugsigan oo ay Sababtiisa lahaayeen Mr Bile,Mr Jonathon iyo Dr Axmed Xuseen Ciise Waxaanu xusay in Dugsigani uu ku fadhiyo dhul weyn nasiibna ay u yeesheen deegaanka Abaarso.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Maxamed Xasan ayaa ugu baaqay Guud ahaan Waalidiinta inay la shaqeeyaan Maamulada Dugsiyada isagoo Tusaale u soo qaatay Waalidiinta ay ubadkoodu wax ka bartaan Dugsiga Abaarso Tech .

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo ka hadlay Madashaas ayaa ku sifeeyay Dugsiga Abaarso Tech Mid ku Dayasho Mudan, Isagoo Xusay inay Si Cadaaladi ku jiro u soo Xulaan ardayda loo fidiyo deeqaha Waxbarasho waxaa kale oo uu Sheegay in Tayada Waxbarasho ee Dugsigani ay Tahay Mid Sumcad u soo Jiidaysa Dalka Jamhuuriyada Somaliland .

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu tilmaamay in ardayda u ambo baxaya Wadanka Maraykanku ay Xambaarsan yihiin Magaca Qaran ee Somaliland isla markaana Xil balaadhani ka saaran yahay sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen Magaca iyo Calanka Jamhuuriyada Somaliland.

Gaba Gabadii waxa uu Madaxweyne ku xigeenku Shahaadooyin Gudoonsiiyay Ardaydii ka Qallin jebisay Dugsiga Abaarso Tech, iyo Ardayda deeqda Waxbarasho helay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed