|

Bayaanka Shirka Aqoonyahanka iyo Dhalinta Beelaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) Oo ay Soo Sartay Xukumadana Sii Aadag Ugu Dirtay Fariintaas

Hargaysa 06Jul13 (SDN) Bulshada Somaliland waxa ay soo gashay halgan naf iyo maal ba ay u soo hurtay sidii ay iskaga tuuri lahayd heeryadii nidaamkii kali-taliska ahaa ee Siyaad Barre, kuna astaysnaa caddaalad darro, eex, iyo qaraabo kiil.

Heshiiska bulsho ee Somaliland isu hayaa waa Dastuurka qaranka waxaanu aragti ahaan dhigayaa nidaam siyaasi ah oo ay u siman yihiin muwaadiniinta oo dhami talada dalka iyo khayraadkiisa. Waana tii uu u dhaartay Madaxweynaha talada hayaa in uu ku dhaqmo inta uu xilka hayo.

Waa dhaqanka siyaasadda in nidaam kasta oo dawli ahi ka turjumo hadba qaab-dhismeedka bulsho ee jira. Haddaba, marka laga hadlaayo wadan umaddiisu u kala qaybsan tahay qabaa’il sida keena oo kale suurta gal ma aha in talada dalka lagu koobo cid gaar ah. Waana tii keentay jabkii iyo hoogii rajiimkii Afweyne.

Nasiib darro, waxa muuqda maanta 22 sano ka dib in umadda Somaliland ku guul daraysatay in ay hesho nidaam caddaalad iyo horumar u horseedaa. Haddana, Waxaaba soo if-baxay  maamul xumo, musuqmaasuq iyo qaraabo kiil  ragaadiyay dawladda maanta jirta. Taasi waxa ay sababtay midnimadii iyo wada jirkii umaddu in dhaawac weyni soo gaadho. Heerka musuqmaasuqu iyo qaraabo kiilku gaadhay waxa tusaale u ah in nidaamka shaqo qorista ee dawladdu, qaybinta addegyadda bulshada iyo khayraadka, iyo heshiisyada qandaraasyada in intaba lagu bixiyo qoysnimo iyo hab qabiilaysan.

Sidaa darteed, rajadii dadku waxa ay ku dhawdahay gabaabsi waxaana marag u ah dhalinyaradii oo dalka ka haajiraysa iyo yididiiladii in aqoonsi la helo oo mugdi weyni hadheeyay.

Iyadoo ay maanka ku hayaan arrimahan kor ku xusan iyo tabashooyin ugaar ah beesha, waxa shir isugu yimid aqoon yahan ka iyo dhalinta Daa’uud Ismaaciil(Ciidagale) waxayna soo saareen qodobadan:

  1. Waxay gar waaqsadeen in dawladda maanta jirtaa dhinac ka rarantahay, beeshuna aanay ku qanac sanayn saamiga laga siiyey, u mana qalmo miisaankeeda.
  2. Waxa xusid mudan in beeshu marar badan usoo bandhigatay tabashada beesha Madaxweynaha talada hadda haya. Inkasta oy haboonayd in qofka mas’uul ka ahi uu qawlkiisa rumeeyo, waxba ka muu fulinin arrimahasi, beeshuna in badan bay ka dhawrsatay inay saxaafada ka gudbiso dareenkeeda.
  3. Waxa aanu ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu dib uga fiirsado awood qaysiga beelaha ee hada jira, qaabka khayraadka dalka iyo adeegyada buslashada loo qaybiyo, si dhakhso ahna u sameeyo isbedel soo celiya cadaaladda iyo kalsoonida bulshadu ku qabto maamulkiisa.
  4. Beesha waxa ka go’an ilaalinta iyo sii xoojinta  xidhiidhka walaaltinimo ee ay la wadaagto bulshada inteeda kale, waxaanay ugu baaqaysaa in la iska kaashadu  danaha ay wadaagaan.
  5. Waxa shirku taageeray in beeshu isugu timaado shirweyne (Barkhadle 2) Ramadaanta  ka dib si ay uga wada tashato xaaladda jirta go’aanna uga gaadho halka danteedu ku jirto.

“Masalaha ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo,  Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho”

 

Ilaahay ayaa Mahad leh

Aqoonyahanka iyo Dhalinta Beelaha Ciidagale

42

1

2

Comments are closed