Ciidamada Masar iyoo taageereyaasha Madaxweynihii Xilka laga tuuray oo isku dhacay
Qahira July 06,2013(SDN)-Ciidamad adalka Masar iyo taageereyaasha madaxweyne Maxamed Morsi oo xilka laga tuuray dhawr cisho ka hor ayaa ku dagaalamay wadooyinka Qaahira.
Taageereyaasha Morsi ayaa waxa ay maalmihii u danbeeyay waxa ay weeraro is weydaarsanayeen mucaaridka.
Waxaana magaalooyinka dalkaasi ka dhacay iska hor imaadyo dad ku dhinteen qaar kale oo faro badana ay ku dhaawacmeen.
Wasaarada arrimaha guddaha Masar ayaa sheegtay in ilaa 30 ruux ku dhimatay halka 210 ruux oo kalena ay ku dhaawacantay iska hor imaadyada dalkaasi ka dhacay shalay.
Ciidamada Masar ayaa la saftay mucaaridka isla markaana kala eryay taageereyaasha Morsi oo dalbanaya in xukunka dib loogu celiyo Madaxweyne Morsi.
Maalmaha soo socda ayaa ah qaar lagu kala garan doono in dalaka Masar galo qalalaase iyo in xal waara laga gaaro ismaandhaafka siyaasadeed ee mudooyinkii u danbeeyay hareeyay Masar.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com