Axmed Madoobe oo lagu wado in uu Booqdo Puntland
Gaalkacyo July 06,2013(SDN)-Madxaweynaha maamulka Jubaland ee dhawaanta looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda gaaro magaalada Gaalkacyo.
Axmed Madoobe oo maalmihii u danbeeyay u dhexeeyay magaalooyinka Adis Ababa iyo Nairobi ayaa haatan halkaa uga gudbi doona safar uu ku booqan doono Puntland.
Axmed Madoobe ayaa Gaalkacyo oo haatan lagu daweynayo dhaawac magaalada Kismaanyo laga soo qaaday ku horeyn doona.
Ka dibna waxa lagu wadaa in uu halkaa uga gudbo Garoowe oo uu kula kulmi doono madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland.
Puntland iyo Jubaland ayaa ku mideysan diidmada dawlada Soomaaliya ee ku wajahan nidaam u sameynta Gobolada.
SDN-Gaalkacayo
contact@somalidiasporanews.com