Madaxweyne Obama oo ay u suurto geli weyday in uu booqdo Mandela
Pretoria June 30,2013(SDN)-Madaxweynha dalka Mareykanka Barack Obama oo maalmihii ina dhaafay booqasho ku marayay dhawr dal oo Africa ku yaal ayaa haatan ku sugan dalka Konfur Africa.
Madaxweyne Obama ayaa hore u shaaciyay in uu doonayo in uu cusbitaalka ku booqdo Madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela.
Xaalada Caafimaad ee Mandela oo maalmihii u danbeeyay ay liidatay ayaa haatan soo yara ladnaanaya.
Madaxweyne Obama ayaaney u suurto gelin in uu cusbitaalaka ku booqdo Mandela ilaa iyo haatan.
Lama shaacin sababaha is hortaagay booqashada waxaase la filayaa in xaalada caafimaad ee Mandela liidato.
Waxa Aqalka Cad war uu bixiyayna lagu xusay in Madaxweyne Obama iyo xaaskiisu khadka isgaarsiinta kula hadleen xaaska Mandela.
Obama ayaa madaxweynaha haatan ee Konfur Africa Jacob Zuma ayaa wadahadalo dhanka Ganacsiga yeeshay shalay.
SDN-Pretoria
contact@somalidiasporanews.com