|

Madaxweyne Morsi oo Maanta loo Yaabo,Madaxtooyadiina laga raray

Qahira June 30,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Masar ayaa galay xukunkiisu galay marxalad aan la saadaalin karin oo ay dhicna kareyso in uu maro halkii Mubaarik.

Waxa mar kale maalmihii u danbeeyay dib loogu arkayay beerta Taxriir kumanaan shacab ah oo ahalkaa isku urursanaya kana soo horjeeda dhabaha xukuumada Morsi cagta saartay.

Shacabkan oo hore ugu balan sanaa maanta in la qabto Mudaharaad aad u balaaran ayaa maalmihii ina dhaafay muujinayay ka soo horjeedkooda Xukuumada.

Magaalada Alexandria ayaa todobaadkan ay isu soo baxyo rabshado wataahi ka dhaceen.

Waxaana ay taageereyaasha Ikhwaanka ka taliya Masar ay dhankooda wacad ku mareen in ay dhiigooda ku difaaci doonaan xukuumada.

Madaxweynaha Masar Maxamed Xusni Mubaarak iyo Qoyskiisa ayaa laga saaray Madaxtooyada oo loo raray xarun ciidan oo ku taal Qaahira.

Tilaabadan ayaa muujineysa in ay dhici karto in dalka Masar uu maanta taagan yahay marxalad kala guur ah.

SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed