|

War degdeg ah: Sheekh Xasan Daahir Aways oo loo gudbiyay Muqdisho

Muqdisho June, 29 2013 (SDN)- Sheekh Xasan Daahir Aways oo ka mid ahaa hoggeemiyeyaasha ururka Al-Shabaab ee sheegta inuu ku xidhan yahay Al-Qaacida, ayaa loo gudbiyay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhawr maalmood ka hor, Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu isu-dhiibay maamulka Ximin iyo Xeeb oo ka taliya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, kadib markii uu ka soo cararay magaalada Baraawe oo dagaal-kooxeedyo Al-Shabaab garabyadiisa u dhexeeyaa uu 19-kii bishan ka curtay.

Maalmihii u dambeeyay wuxuu ku jiray gacanta maamulka Ximin iyo Xeeb, ka hor intii aan goor dhawayd oo caawa ah loo gudbin magaalada Muqdisho.

Siday sheegeen wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhay gudbinta Sheekh Aways, waxay diyaarad gaar ahi ka qaaday degmada Cadaado, iyadoo ay weheliyaan masuuliyiin, xildhibaano ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya oo shalay gaadhay Cadaado iyo sidoo kale xubno ka tirsan maamul-degmeedka ka arrimiya Cadaado.

Warku wuxuu intaa ku daray, in Sheekh Xasan Daahir Aways ay markii uu Muqdisho gaadhay amaankiisa ay la wareegeen ciidamo si gaara u tabobaran oo ka tirsan hay’adda Nabad-sugida dawladda Soomaaliya.

Hase yeeshee, ilaa hadda ma cadda talaabada ay dawladda Soomaaliya ka qaadi doonto Sheekh Xasan Daahir Aways oo ah wadaad lagu tiriyo inuu mayal-adag yahay oo hore guddoomiye ugu ahaa ururkii Xisbul-Islaam ka hor intii aanay Al-Shabaab la wareegin ururkaas, isaguna aanu ka mid noqon masuuliyiinta sarsare ee kooxda Al-Shabaab.

Xasan Daahir Aways waa wadaad caan ah, iyadoo xilligii dawladdii MS Siyaad ee Soomaaliya uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga, ka hor intii aanu burburkii dalka madax ka noqon ururkii Al-Itixaad ee burburay.

 

Qurbejoog.com, Muqdisho

Comments are closed