Muqdisho: Maxkamad ciidan oo xukun dil ah ku riday laba askari, maxay tahay sababtu?
Muqdisho June, 29 (SDN)- Maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee dawladda Soomaaliya, ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday laba askari oo lagu helay dilka dad rayid ahaa.
Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle dhexe Cabdiqaadir Keys oo ka tirsan garsooreyaasha Maxkamadda ciidamada, labada xukunsane oo lagu kala magacaabo Cabdiqani Cali Cabdullaahi iyo Cantoob Cadoow Maxamed, waxa lagu helay inay hadda ka hor dad rayid ah ku dileen degmooyinka Dayniile iyo Wadajir ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Dhinaca kale, Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Maxamed Xasan ayaa maanta warbaahinta Muqdisho u sheegay in maxkamadda gobolka Banaadir ay maanta xukuno kala duwan ku riday ilaa 18 qof, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku kaceen falal ay ka mid yihiin; kufsi, inay dhaceen hanti dadweyne iyo eedaymo kale oo la xidhiidha fal-dambiyeedyo lala xidhiidhiyay dadkaas.
Qurbejoog.com, Muqdisho