Urur Siyaasadeedka Talada Punt land haya ee Horseed oo Isu soo bax Maanta ka sameeyay Magaalada Garowe
Garowe 29.June (SDN) Urur siyaasadeedka Horseed ayaa maanta isku soo bax balaaran u qabtay taageerayaashiisa magaalada Garowe ,waxana ay socod ku mareen wadooyinka magaalada intaan la iskugu iman Barxada wayn ee caasimada Puntland.
Gudoomiye ku xigeenka Ururka Horseed Cabdisamad Cali Shire ,xubno iskugu jiray golayaasha ururka iyo heerarkiisa gobolka iyo degmo ayaa ka soo qaybgalay.
Boorar ay ku qoranyihiin halku dhegyo ayay wateen taageerayaasha oo qaybaha kala duwan ee bulshada ka koobnaa ,waxana ay isl helayeen erayo ay ka mid tahay Horseed waa horseedka Nabada iyo horumarka Puntland.
Erayo ayaa laga soo jeediyay fagaarahan lagu soo bandhigay ololaha uu ururku ugu jiro sidii kalsoonida dadka u hanan lahaa doorashooyinka degmooyinka ee 15 July ka dhici doona deegaanada Puntland.
Maxamed Cabdiqaadir Shiino oo ka mida musharaxiinta ururka ee golayaasha deegaanka ayaa ku dheeraaday sida ururkoodu ahmiyad gaar ah u siinayo dhalinyarada iyo haweenka sidii horey loogu anbaqaadi lahaa geedi socodka dimqoraadiyada Putnland.
Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo ka mida xubnaha ururka Horseed ayaa dadweynaha ugu baaqay tagaeerada Horseed oo uu sheegay inay Puntland u hormuud uga noqdeen in loo gubo nidaamka xibsiyada badan.
Gudoomiye ku xigeenka ururkan Cabdisamad Cali Shire ayaa soo xiray hadaladii madasha laga jeedinayay ,waxana uu in badan ka soo sheekeeyay ururkooda iyo waxqabadkii ay ku talaabsatay xukuumadda haatan jirta ee Madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Farole hogaaminayo.
Waxa uu raaciyay in hadii ay ku guulaystaan doorashooyinka ay horey u sii wadi doonaan horumarka Puntland ,isagoona sidoo kale dadweynaha ugu yeeray si hufan inay u bixiyaan codadka doorashada.
Isku soo baxyo kuwan la mida ayaa laga dhigay deegaanada kala duwan ee Puntland .
Garowe SDN.
Qurbejoog.com