“Waxaanu Dhawri doonaa Xoriyatul Qawlka,Madaxbanaanida Saxaafada,Xuquuqul Iinsaanka iyo Nabadgalyada” Wasiir Warancade {DHAGAYSO}
Hargaysa 29.June (SDN) Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa dhaabadeeyay hawlgalka uu u arko inuu kaga bixi karo Xilka iyo Mas’uuliyada Culus ee Wasaarada arrimaha Gudaha ee loo Magacaabay .
Mudane Warancade Waxa uu Xusay inuu ku dadaali doono Sidii uu Wada tashi ula yeelan lahaa Qaybaha Bulshada Waxaanu Xusay inuu dhawri doono Xoriyatul Qawlka,Madaxbanaanida Saxaafada,Xuquuqul Iinsaanka isagoo intaas ku daray in dhawaan Magaalada Hargaysa Meel walba ay ka hirgalin doonaan Laydhka Nabadgalyada,Waxaanu Hadalkan ka Jeediyay Munaasibadii uu Maanta Xilka Wasaarada Arrimaha Gudaha kula Wareegayay.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Warancade291.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com