|

Prof Samatar:“Somaliland Inay Noqonayso Wadan Geeska Afrika laga yaqaano Waxay ka Muuqataa Dhalinyarada Jaamacadaha”

Hargeysa June 26,2013(SDN)-Prof Axmed Ismaciil Samatar ayaa ka waramay Booqashadiisii Somaliland mar uu Tvga Qaranka Somaliland waxa uu ka waramay arrimo dhawr ah ay ka mid yihiin madax banaanida Somaliland,soodheweyntii uu la kulamay iyo abaal celintiisa.

“Jaamacadaha Somaliland intooda badana waan ka hadlay aad ayaanu u wada doodnay ardayda iyo su’aalihii la iswaydiinayay, mustaqbalka Somaliland waxa ay noqonayso iyo sida ay u soo korayso in wadan geeska Afrika laga yaqaano ay noqonayso waxay ka muuqata dhalinyarada Jaamacadaha kala duwan ee dalka dhigta oo aan ku soo arkay” ayuu yidhi Prof.Axed Ismaciil  Samater.

“Waxaa la soo gaadhay mar ay dadka Somaliland u dhashay inay dib isku xisaabiyaan ay tahay, hanbo siyaasadeed in la sugo waxay ila tahay sharafna ma aha, wax inoo qalmana ma aha.Somaliland dhalashadeeda iyo abuurideeda hadaad dhinac ka eegto wax cusub ma aha, waxay dib ugu noqonaysaa 1960-kii waxaanay markhaati ka tahay maskax dhalatay iyo qalbi dadkii Somaliland u dhashay ay isku raaceen in aynaan hanbo danbe sugayn, markaa dalkii iyo degmadii aynu ka nimid in dib loo dhiso oo laga shaqeeyo markhaatiga ayay ka mid tahay Somaliland calankeeda iyo Jamhuuriyadeeda”.ayuu yiri kiyoo Prof.Samater hadalkiisa sii wata.

Prof Axmed ayaa ka waramay soodhaweyntii uu Soomaaliland kala kulamay waxaanu yiri “Wax badan oo yaab leh oo ilaa imika aan calashanayo oo aanan liqin ayaan soo arkay, waxaan soo arkay oo aanan weligay ilaawaynin dad aan cidi maamulin warka waa la gaadhsiiyay laakiin iyagu is abaabulay oo soo baxay, iyaga oo boqolaal kun ah, taasi ma ilaawi karo, tusaale ahaan Gabiley oo markii aan Hargeysa ka tagnay intii aanaan magaalada gelin meel Gabiley iyo Arabsiyo u dhaxaysa laba mayl ay dadku taagan yihiin qaarkood inta ay fardo soo qurxiyeen ay fuushan yihiin oo ay baabuurta ag socdaan, baabuurtuna isdaba joogto laba mayl, dadkana hadalkeedaba daa, wax aanan weligay arag kuna riyoon, oo aanan runtii galabsan ama aanan kasbana ayay ahayd lamana ilaawi karo.

Waxaa ka sii horaysay madaarka Berbera markii aan ka soo degayay diyaaradiina ay timid anigu waxaan islahaa dadkii kula socday iyo waxoogaa martida ah ayaad dhawr maalmood la joogi waad iska iman doontaa oo Hargeysa ayaad baabuur u soo raaci, dad madax dhaqameed iyo salaadiin ah, dad dawlada ka socda oo ay wasiiro ku jiraan iyo dad kale oo fara badan oo shaqaalaha dawlada ah ayaa diyaarad hoosteed iigu yimid, dadkii diyaarada aanu la wada soconay ayaaba yaabay, oo iyaga ay ku noqotay wax u baahan in la furfuro, diyaarad ingaydh ah oo la soo kireeyay oo garoonka fadhida ayaan arkay, anigu meel aan waxa caynkaas ah ku kasbaday garan maayo, laakiin farxad ayaan kala balaadhay iyo amakaag.”

“Hargeysa ayaanu nimid iyada oo ay madaarkii dad ka buuxaan iyo baabuur ilaa magaaladii, halkaas ayaanay ka bilaabantay, waxaanan ilaawi karayn magaalada Dilla oo aan weligay u haystay magaalo yar oo inta la yara joogsado shaaha laga cabo oo ay dadku beeraha ku maqan yihiin, oo ay dhawr kun oo qof magaalada hareeraheedii soo joogsadeen, waxaanan ilaawi karayn magaalada Boorama oo dadka badan boqol kun oo qof ay igu soo dahweeyeen, waan yaabay oo aniga ayaa is eegay oo waxaan u maleeyay malaha waxani waa riyo, sidaas ayay ahayd ilaa xeebihii aan soo maray, barri Berbera marka aad ka bilawdo ilaa meelihii kale ee aan soo maray ma ilaawi karo, Burcana hadalkeedaba daa sidii la noogu soo dhaweeyay, wadadii dheerayd ee laamiga aan ka baxnay ee bankii waynaa oo sideed saacadood baabuurku socday Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn sida la noogu soo dhaweeyay wax la dhamayn karana ma aha wax la ila ilaawi karana ma aha mid waliba xasuusteeda ayay leedahay”.

Mar Prof Axmed uu ka waramayay waxa uu ugu abaagudayo reer Somalilandna waxa uu yiri“Taasi jawaabteedu way gaaban tahay oo shaki kuma jiro in aan wixii tamartayda ah, wadankii aan ka imid haddii dantii waynayd lagula garan waayay, markaa waa in aad ka fiirisaa nolosha inta kuu hadhay halka aad wax ka qaban karto. Somaliland sidii la iigu soo dhaweeyay anigu maan kasban laakiin in la ii hiiliyay way cadahay, markaa ana in aan Somaliland u hiiliyo waajibka ayaaba dhigaya, baarlamaanka Soomaalida ee aan ku jiray ee 275-ka ah hortiisa ayaan ka sheegay, shayga ugu yar ee maanta Soomaali horyaalaa in uu yahay marka laga hadlayo Jamhuuriyadii waynayd waa laba xaq, madaxtinimada imtixaankeeduna labadaa xaq sida la isugu keenayo ayuu ku jiraa, xaqa dadka Somaliand oo huray wadankoodii, taariikhdoodii, gobanimadoodii oo geeyay koonfur iyagoon hagranayn, waxa ay tabanayaan iyo tariikhda ay ka hadlayaan iyo xaqa halkaa yaala in la fahmo waa kow, umadii Soomaaliyeedna wixii ay wadaagaysay sida la isugu keenayo in cadawga laga ilaaliyo oo ay baadhaadho, oo ay nabadgelyo hesho, oo ay hore u socoto taasina waa xaq, qofka madax u noqonaya wakhtigaa la joogo tartankii aanu galnay weeye, halkaa ayaa laga garanayaa in qofkaasi fahamsan yahay taariikhda wayni waxa ay dhigayso iyo safarka dheer ee adag”.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

“Wax badan oo yaab leh oo ilaa imika aan calashanayo oo aanan liqin ayaan soo arkay, waxaan soo arkay oo aanan weligay ilaawaynin dad aan cidi maamulin warka waa la gaadhsiiyay laakiin iyagu is abaabulay oo soo baxay, iyaga oo boqolaal kun ah, taasi ma ilaawi karo, tusaale ahaan Gabiley oo markii aan Hargeysa ka tagnay intii aanaan magaalada gelin meel Gabiley iyo Arabsiyo u dhaxaysa laba mayl ay dadku taagan yihiin qaarkood inta ay fardo soo qurxiyeen ay fuushan yihiin oo ay baabuurta ag socdaan, baabuurtuna isdaba joogto laba mayl, dadkana hadalkeedaba daa, wax aanan weligay arag kuna riyoon, oo aanan runtii galabsan ama aanan kasbana ayay ahayd lamana ilaawi karo.

Waxaa ka sii horaysay madaarka Berbera markii aan ka soo degayay diyaaradiina ay timid anigu waxaan islahaa dadkii kula socday iyo waxoogaa martida ah ayaad dhawr maalmood la joogi waad iska iman doontaa oo Hargeysa ayaad baabuur u soo raaci, dad madax dhaqameed iyo salaadiin ah, dad dawlada ka socda oo ay wasiiro ku jiraan iyo dad kale oo fara badan oo shaqaalaha dawlada ah ayaa diyaarad hoosteed iigu yimid, dadkii diyaarada aanu la wada soconay ayaaba yaabay, oo iyaga ay ku noqotay wax u baahan in la furfuro, diyaarad ingaydh ah oo la soo kireeyay oo garoonka fadhida ayaan arkay, anigu meel aan waxa caynkaas ah ku kasbaday garan maayo, laakiin farxad ayaan kala balaadhay iyo amakaag.”

– See more at: http://gaafo.com/219767/waxaan-gaadhay-wakhti-ah-in-aan-isdaba-qabateeyo-adduunyadana-aan-uga-doodo-somaliland/#sthash.HQJJwjVW.dpuf

“Jaamacadaha Somaliland intooda badana waan ka hadlay aad ayaanu u wada doodnay ardayda iyo su’aalihii la iswaydiinayay, mustaqbalka Somaliland waxa ay noqonayso iyo sida ay u soo korayso in wadan geeska Afrika laga yaqaano ay noqonayso waxay ka muuqata dhalinyarada Jaamacadaha kala duwan ee dalka dhigta oo aan ku soo arkay” ayuu yidhi Prof. Samater. – See more at: http://gaafo.com/219767/waxaan-gaadhay-wakhti-ah-in-aan-isdaba-qabateeyo-adduunyadana-aan-uga-doodo-somaliland/#sthash.HQJJwjVW.dpuf

Comments are closed