|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo si xirfadeysan isugu dhuftay madaxdii sar sare ee Ururkii Xaqsoor ee wadahadaladu u socdeen

Hargeysa June 26,2013(SDN)-Guddoomiyihii Ururkii Xaqsoor ee ku haray tartankii Golleyaasha degaanka Mujj Xasan Ciise Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in wadahadaladii u dhexeeyay Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo in ay burbureen.

Shicibka Somaliland waxaan u sheegaynaa in ururka xaqsoor daacadnimo ku galay wadahadaladaas.  Waxaan ogolaanay inaanu la hadalo xukumada ka dib markii ay iyagu ku taliyeen inaanu wadahadalo yeelano. Waxaanu sidaas u yeelnay anaka oo dadka iyo dalka la jecel isafgarad iyo horumar iyo anaka oo ka cararaynay in naloo sawiro urur gar-maqaate ah. Waxa se noo muuqatay inaanay xukumadu daacad ka ahayn wadahadalada.Imika xukumadu talaaabadan, magacaabida waxay ku cadaysay  inay ka maarantay heshiis dhamaystiran ooy la gasho ururka xaqsoor.”ayaa lagu yiri qoraal uu Guddoomiye Xasan Ciise soo saaray.

Musharixii madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Ururkii Xaqsoor Axmed Cabdi Kaahin oo haatan loo magaacabay Wasiirka Wasaarada Dib u dejinta ayaa hadalkan ka jawaabay.

“Waxaan u arkaa hadalka Guddoomiyaha Xaqsoor arrin lagu degdegay, wada-hadalkana waa la sugayaa in qodobo ka soo baxaan.”

Sidoo kale madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhawaan waxauu Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bari ee JSL u magacaabay musharixii madaxweye ku-xigeenka ururkii Xaqsoor md Cali Maxamuud Axmed (Sandule)

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in haatan ay xukuumadu doodii iaga iyo Xaqsoor u Dhexeysay ay ku koobtay uun xubnihii sar sare ee Ururkaasi.

Comments are closed