Gudoomiyaha Negaad oo Madaxweyne Siilaanyo ku bogaadisay Talaabada uu Haweenka ugu Sad Buriyay
Hargaysa 25.June (SDN) Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka ee Now Marwo Aniisa Nuur Cigaal ayaa waxa ay madaxweynaha JSL Md. Axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo) ku bogaadisay xubnaha Haweenka ah ee ku soo biiray Golaha wasiirada .
Gudoomiyaha NOW waxa ay sheegtay in iyada oo ka wakiil ah Haweenweynaha heer qaran in ay madaxweynaha uga mahadnaqayaan fursada markale uu u siiyay Haweenka somaliland in ay xubno cusub ku yeeshaan Golaha wasiirada, waxaana ay intaaraacisay in ay ku rajo weyntahay in xubnahan ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan doorka shaqo ee la gudboon iyo guud ahan kaalinta Haweenka Somaliland ku leeyihiin horumarka dalka.
Labada xubnood ee haweenka ah eemadaxweynuhu magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin Marwo shukri x. ismaaciil Baandare oo noqotay wasiirka Degaanka iyo Marwo shukri xariir ismaaciil oo qabatay jagada wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada.
Gudoomiyaha ururka Haweenka qaranka ee NOW Aniisa Nuur Cigaal waxa ay u rajaysay dhamaan xubnaha kusoo biiray Golaha xukuumada in ilaahay u fududeeyo xilka ay qarankooda u qaadeen.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com