Mareykanka oo dedaal Diblomaasiyadeed ugu jira sidii uu Gacanta ugu Dhigi lahaa Edward Snowden
Moscow June 25,2013(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa ilaa iyo haatan aan gacanta ku dhigin Edward Snowden oo ah nin hore ugu shaqeynayay heyada sirdoonka ee CIAda iyo Hay’ada amaanka ee NSA oo isla markaana shaaciyay barnaamij sir ahaa oo ay sirdoonka Mareykanku ku basaasi jireen isgaarsiinta.
Xukuumada Obama ayaa shaacinta barnaamijkaas kala kulantay fashil iyo caro baaxad leh bacdamaa dastuurka dalkaasi uu si cad u qeexayo in aan isgaarsiinta kala duwan ee shicibku isticmaalo.
Madaxweyne Obama ayaa hore u beeniyay in barnaamijka loo isticmaalo in lagu basaaso muwaadiniinta,balse uu qeyb ka yahay ladagaalanka argegixisada.
Snowden ayaa kolkii xogta shaaciyay u baxsaday magaalada Hong Kong ee China ka dibna uga sii gudbay magaalada Moscow iyada oo uu qorsheynayo in uu megengelyo weydiisto dalka equador.
Mareykanka ayaa China ku eedeyay in ay gacan siiyeen denbiile isla markaana ay arinkani uu labada dal dhexdhigayo xurguf siyaasadeed.
Sidoo kale Mareykanka ayaa digniin iyo dalab u diray Ruushka,waxaanu codsaday in aan Snowden loo ogolaan in uu dalkaasi ka dhaafo.
Isla markaana Snowden dib loogu soo celiyo Mareykanka si halkaasi loogu maxkamadeeyo.
Arintan ayaa iska horkeentay Mareyknaka iyo dalal dhawr ah oo ay xiriir wanaagsan lahaayeen sanadihii u danbeeyay.
SDN-Mascow
contact@somalidiasporanews.com