Golaha Wakiilada oo dib u dhigay Ansixinta Xeerka Booliska isla markaana Galay Fasax
Hargaysa 24.(SDN) Kalfadhigii 21aad ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta la soo gabo gabeeyay Iyadoo Mudanayaashu isla qaateen in Dib loo dhigo Xeerka Booliska oo loo balansanaa in maanta Meel mariyo.
Fadhigan oo uu Shir Gudoominayay Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladu ay dood ka keeneen dhamaystirka Xeerka Booliska oo ay Tilmaameen inay Qabyo ka Muuqato,Isla markaana loo baahan yahay in Kalfadhiga danbe Goluhu sii ambo qaado ansixintiisa.
Xildhibaanadii fikirkooda ka dhiibtay Fadhiga Golaha ayaa Sheegay in Xeerkan ay ka Maqan yihiin waxyaabo badan oo la rabo inuu ka jawaabo kana Mid yihiin inaanay ku Qornayn waxa lagu xulanayo marka la qaadanayo saraakiisha ciidanka, cilmiga looga baahan yahay.
Markaas kadib waxa uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Mudane C.raxmaan Ciro ka dalbaday Mudanayaasha inay kala doortaan laba ra’yi oo kala ahaa in Xeerka Maanta loo Codeeyo iyo in dib loogu dhigo Kalfadhigan dhamaaday ka ku Xiga .
Iyadoo ay Xildhibaandu isku raaceen in Xeerkan Meel marintiisa dib loogu riixo Kalfadhigooda 22aad si Xeerkan loo mariyo Akhriskii Sadexaad.
Gunaanadkii Fadhigaas ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu uu Sheegay in Goluhu galay fasax ay Mudadiisu dhan tahay 45 maalmood ah, sidaasna uu ku dhamaaday fadhigii maanta iyo waliba kalfadhigii 21aad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com