|

“Waxaan arkay in Dadka reer Somaliland Xoriyad dhab ah u haystaan dhiibashada Fikirka oo ay omali ah fikirkooda u dhiiban karaan” Prof Samatar {DHAGAYSO}

Hargaysa 24.(SDN)  Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa si qoto dheer uga waramay waxyaabihii uu kula kulmay Somaliland intii uu ku sugnaa, ka dib socdaal todobaadyo qaatay oo uu ku gala-bixiyay goboladda waddanka.

Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa shalay mar kale isa soo hortaagay Boqolaal qof oo isugu jira Ardayda ,Maamulka, Macalimiinta Jaamacadda Hargeysa iyo Masuuliyiin ka socda Golaha Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo uu uga waramay aqoon iyo aragti wixii uu uga kordhay dalka oo uu ka maqnaa mudo ku dhaw Afartan sanadood.

Kulan balaadhan oo shalay lagu qabtay Hoolka shirarka ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa sidoo kale lagu waydiiyay Su’aalo la xidhiidha qorshaha u ku bedelayo halkii uu hore uga taagnaa wax u qabashada dalkiisa, isagoo ka hor intaan su’aalaha la waydiiyay halkaasi ka soo jeediyay, khudbad isugu jirtay Dareen Celin, dardaaran, Dersi iyo kaftan Dul kaxaadis ah oo uu ku ladhay.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SAMATAR241.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed