|

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo Da’a Yarta u Soo Jeediyay inay isu taagaan Kobcinta Ciyaaraha (DHAGAYSO}

Hargaysa 24.(SDN) Madaxweyne ku xigeenka jsl Md. C/raxmaan C/laahi ismaaciil (saylici) ayaa maanta ka qaybgalay xaflad balaadhan oo magaalada Hargaysa  loogu sameeyay xidhitaanka tartankii  ciyaaraha Gobolada   isla markaana shahaado sharafyo iyo abaalmarino kala duwan lagu Gudoonsiiyay  ciyaaryahanadii ka dhexmuuqday tartankaas , shirkadihii ,warbaahintii iyo wasaaradihii ka qaybqaatay  ciyaaraha Gobolada dalka ee dhawaanta la soo gaba gabeeyay.

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen wasiirada wasaaradaha  dhalinyarada iyo ciyaaraha ,maaliyadda, shaqadaiyo arimaha bulshada,xanaanada xoolaha,Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha ciyaaraha iyo warfaafinta , masuuliyiin kala duwan ,Bahda ciyaaraha iyo marti sharaf ayaa hadal uu halkaas ka jeediyay wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha Md. Cali Siciid Raygal ayaa kaga hadlay qiimaynta iyo kala xulista ay ku sameeyeen ciyaartoyga abaal marinada mutaystay  taas oo uu sheegay in ay ku salaysantahay hab cadaalada oo waafaqsan xeerarka cayaaraha.

Madaxweyne ku xigeenka Somali land Md.C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (saylici)  ayaa hadal uu munaasadaas ka jeediyay ku bogaadiyay xulalkii Gobolada maroodi jeexiyo Gabilay ee ku guulaystay koobabka kubada cagta iyo kolayga iyo Goboladii kalmaha xiga ka galay tartankaas, waxaana madaxweyne xigeenku bahda ciyaaraha ku booriyay in ay fiiro gaar ah u yeeshaan kobcinta ciyaaraha fudud oouu sheegay in ay kaalin weyn ku leeyihiin ciyaaraha caalamiga ah.

Gabagabadii kulankaas waxa madaxweyne xigeenku halkaas ku  ku gudoonsiiyay abaalmarino ciyaaryahanadii kalmaaha hore ka galay tartankii ciyaaraha gobolda dalka,isaga oo geesta kalana shahaado sharafyo ku gudoonsiiyay shirkadihii, warbaahintii iyo wasaaradihii ka qayb qaatay  habsami u socodkii ciyaaraha Gobolada.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Saylici24.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed